Copenhagen(ANN)Dawladda Denmark oo ka mid ah dalalka ku yaal qaaradda Yurub, ayaa ka digtay in horumarka muuqda ee Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay uu burburi karo haddii aanay beesha caalamku si dhaqso ah taageero ugu fidin. Sidaa waxa ku dhawaaqay

Wasiirka Horumarinta Denmark Md. Christian Friis Bach, isagoo ku baaqay inay waajib tahay in beesha caalamku taageero u fidiso horumarka dhinaca fiican loo qaaday ee Somaliland, waxaannu tilmaamay in horumarka ka hana-qaaaday Somaliland ay ku lammaan yihiin faqiirnimo la soo dariistay inta badan bulshada.
“Waxaannu aragnay horumar dhinaca fiican loo qaaday oo ka muuqda Somaliland. Waxa kaloo aannu arkaynaa in horumarkaasi burburi karo oo aannu cago adag ku taagnayn, taasina waa sababta waajibka ka dhigaysa in beesha caalamku taageero degdeg ah u fidiso Somaliland si horumarka jiraa u hana-qaado,” ayuu yidhi Wasiir Christian Friis Bach oo qoraal uu toddobaadkan soo saaray lagu baahiyey wakaaladda wararka dalka Shiinaha ee Xinhua.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Denmark, ayaa iyaduna caddaysay inay xafiis fuliya barnaamijyada horumarineed ee dalkoodu ka wado Somaliland ka furanayaan caasimadda Hargeysa, kaasoo noqonaya kii u horreeyey ee waddamada reer galbeedku ka furtaan Somaliland.
Waxa kaloo uu Wasiirka Horumarinta ee Denmarka faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha uu qaban doono xafiiska dawladdiisu ka furanayso Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu yidhi; “Xafiiska aannu Somaliland ka furanayno oo yeelan doona shaqaale joogta ah iyo laba khabiir oo la-taliyeyaal ah waxa uu ka shaqayn doonaa arrimaha ammaanka, caafimaadka iyo dedaalka lagu kobcinayo waxbarashada, annagoo la kaashan doona dawladaha hoose ee la doortay.”
Mr. Christian Friis Bach waxa uu intaa ku daray inay labanlaabi doonaan gargaarka dhinaca horumarka la xidhiidha ee Somaliland la siiyo, taasoo uu xusay in la gaadhsiin doono adduun dhan $35.4 milyan oo dollar, isaga oo tilmaamay in deganaanshaha Somaliland tusaale fiican oo lagu daydo u noqonayo Soomaaliya iyo guud ahaanba dalalka ku yaal Geeska Afrika, isla markaana gacan ka geysan karta wax-ka-qabashada budhcad-badeedda, argagixisada iyo qulqulka qaxootiga.
Wasiirka Horumarinta ee Denmark Md. Christian Friis Bach, waxa uu laba toddobaad ka hor booqasho ku yimi dalka Somaliland, isagoo kulamo la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiinta kale ee qaranka, kuwaas oo ay ka  wadahadleen arrimo la xidhiidha sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Denmark.  Iyadoo booqashadiisu daba socotay booqasho uu Somaliland ku tegey Nov, 2010,  Mr. Soren Pind oo ahaa Wasiirkii hore ee  Iskaashigga horumarinta caalamiga ah ee dawladda Denmark , kaas oo waqtigaa balanqaaday inay Somaliland ka caawinayaan dhinacyada la dagaalanka Agagixisada iyo Budhacd-badeeda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *