Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa digniin kama danbays ah u jeediyay 16 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo qayb ka ahaa xildhibaanadii doorashadii 2005 uga soo baxay xisbiga UCID, balse ku biiray Urur siyaasadeed cusub
oo gudoomiyaha wakiilada Somaliland kaga dhawaaqay Khamiistii todobaadkii hore magaalada Hargeysa.
Gudoomiyaha Ucid waxa xildhibaanadaa oo kasoo jeeday xisbigiisa ugu baaqay inay si rasmi ah u cadeeyaan inay ka baxeen xisbigoodii iyo in kale, isagoo ku hanjabay inay keeni doonaan bedelkoodii haddii ay ku dhawaaqaan inay ka baxeen UCID.
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaa ku sheegay war saxaafadeed uu soo saaray caawa oo u qornaa sidan:-
1. Bashiir X.Xusein Tukaale
2. Xaashi Xusien Caabi
3. Xusien Maxamed Cige
4. Ibraahim Mahadi Buuba
5. C/Qaadir Askar Hassan
6. Mahdi C/Laahi Maxamoud
7. Maxamed Baaruud Shide
8. faarax Maxmoud Cabdule
9. Saciid Maxamed Cilmi
10. Maxamed Faarax Qabile
11. Muuse Maxamed Ismail
12. Maxamed Jamac Cali Guled
13. Jamac Xasan Adan
14. Naasir X.Cali Shire
15. A/Laahi Axmed Yousuf
16. Abdirahmaan Cismaan Caalin
Anagoo tixraacayna dhawaaqii ka soo yeedhay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) 06/10/11 kaas oo uu kaga dhawaaqay magacyadiina Hotel mansoor isagoo sheegaya in aad ka baxdeen xisbigii UCID ee aad ku matalayseen magaciisa Golaha wakiilada kuna biirteen urur aan jirin, wakiilana aan ku lahayn Golaha wakiilada.
Sidaa daraadeed mudanayaal: waxaanu si sharaf le idiinka codsanaynaa in aad si rasmi ah u soo cadaysid arrintaas si aan u soo bedalalno jagooyinkaas ama aad beenisaan arrinkaas si rasmi ah ugu dambayn bishan 13 october 2011.”
Hadalka gudoomiyaha UCID ayaa daba socday qoraal xalay kasoo baxay xisbiga oo sheegayay in gudoomiyaha wakiilada C/raxmaan Ciro ee ku dhawaaqay urur siyaasadeedka cusub todobaadkan uu baneeyo xubnimadii golaha, maadaama sida lagu sheegay warsaxaafadeedkaa uu furtay Urur cusub. Sidaa awgeed xisbiga UCID ee uu ku fadhiyey golaha wakiilada, isla markaana uu ku ahaa gudoomiyaha iska casilay, isagoo jabiyey distoorka , xeerka xisbiga iyo xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta ee Xeer No:14/ waxa uu xisbigu go’aansaday in uu ka aqbalo is casiladiisaa soona buuxsado xubinimadaas sida sharcigu dhigayo ayaa lagu yidhi qoraalka hore.
Dhinaca kale xildhibaanada golaha wakiilada ayaa mudooyinkan u danbeeyay ku mashquulsanaa siyaasadaha Ururo cusub iyo abaabulo hor leh, taas oo sababtay in fadhiyadii golaha wakiilada u baaqdaan kooram la’aan markii ay kasoo xaadiriwaayeen mudanayaashu fadhiyada golahaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com