Hargeysa (ANN) Madaxwaynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  cafis ku siidaayey laba ka mid ah dadkii Maxkamada Gobolka Hargeysa ku riday xukuno kala duwan, isla markaana loo haystay lunsiga raashin  ay  dawlada Cumaan ugu deeqday danyarta Somaliland .

Labada maxbuus ee lasii daayay oo muddo ku  dhow Lix  bilood ku jiray  Jeelka dhexe ee Hargeysa, ayaa lasii daayay xalay. kadib markii Madaxweynaha Somaliland cafis u fidiyay maxaabiistaa. Labada maxbuus ee xoriyadooda loo soo celiyay ayaa kala ah Axmed Maxamed Geelle (Timo Cadde), oo ahaa ninkii lahaa LNGO (Urur) maxali ah oo  dekeda Berbera ka soo daabulay raashinkii mucaawinada ahaa iyo sidoo kale  ninkii lahaa bakhaarkii lagu rogay raashinkaa oo lagu magacaabo Cabdishakuur.
Labada Nin ee lasii daayay oo  dadkii loo xidhay loo xidhay inay lunsadeen raashinkaa oo ay ka mid ahaayeen  Badhasaabkii gobolka Maroodi Jeex Axmed Xaaji C/llaahi Xamarji iyo Agaasimihii Wasaarada dib-u-dejinta Axmed Cilmi Barre ,  kuwaas  oo maxkamada gobolada Hargeysa midkiiba ku riday sadex sanadood oo xadhiga ah, balse la taliyihii Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cismaan Siciid Jaamac oo xukunkiisu ahaa hal sano  maalmo kadib iibsaday xadhiga.

Hase yeeshee  badhasaabkii hore ee gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji) iyo agaasimihii Wasaarada dib-u-dejinta Somaliland Axmed Cilmi Barre oo ay isku kiis ahaayeen, ayaan ku jirin dadka kiiskaa loo haystay ee  la siidaayey, lama garanayo sababta ay weli xabsiga ugu jiraan labadaa masuul, iyadoo Madaxweynuhu cafiska kusii daayay laba ka mid ahaa maxaabiista ay isku kiiska ahaayeen, balse wararka qaar ayaa sheegaya inay labadaa sarkaal ka mid ahaayeen cafiska Madaxweynaha laakiin ay iyagu gaashaanka ku dhifteen cafiskaa.
Dhinaca kale waxa maalmihii u danbeeyay soo baxayay warar la xidhiidha labadaa sarkaal ee weli ku jira xabsiga oo sheegayay in maanta oo ahayd Arbacada 19 Sep 2012, loo mudooyay in rafcaan ay ka qaateen xukunka hore ugu dhacday in lagu horkeeno maxakamadda Rafcaanka si mar kale go’aan maxkamadeed loo helo, maadaama ay u arkaan qareenada u doodayay xukunkaa hore mid aan cadaalad ahayn, balse waxa baaqatay  in la keeno saaka maxkamadda labadaa sarkaal, waxayna wararka qaar sheegayaan inuu rafcaanka xukunka ganafka ku dhiftay xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan, maadaama xeer Ilaalintu dacwada kiskaa ka ahayd dhinac,  wuxuuna taa bedelkeeda sida ay xogoha la xidhiidha arrintaasu sheegayaan ku dooday in haddii aanay aqbalin cafiska Madaxweynaha ay dhamaystaan xukunkooda labadaa sarkaal, balse aanay xeer ilaalintu aqbalayn inay labadaa masuul rafcaan ka qaataan xukunka ku dhacay, waxayna dooda xeer ilaalintu ka hor imanay nidaamka garsoorka Somaliland ee tilmaamaya derejooyinka maxkamaddaha iyo xukunada ay ridaan.
Cafiska lagu sii daayay labadaa Nin ayaa kusoo beegmay saacado ka hor mudadii loo balansanaa maxkamadda rafcaanka oo ku beegnayd maanta oo Arbaca ah, balse aan rafcaan layaasha la keenin maxkamadda. sidoo kale sii deynta labadaa maxbuus ayaa kusoo beegantay iyadoo aanay  boolisku  soo qaban  dhawr qof oo hore xukun ugu dhacay, kuwaas oo ku lug lahaa lunsiga raashinkaa oo maxkamada Gobolka Hargeysa xadhig ku xukuntay, iyagoo maqan.
.Araweelonews Mobile
Somaliland Office 
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *