Laascaanood (ANN)Alla ha u naxariistee galabta fiidadawgii markii laga soo baxay salaada makhrib ayaa lagu dilay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood gudoomiyihii maxkamadda rafcaanka ee heer gobol marxuum SaleebaanJaamac Dheere. Kadib markii rasaas lala beegsaday isagoo marayay xiligaa dhinaca xaafada koonfurta magaalada oo uu degan yahay. Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay dad ay ehel ahaayeen marxuumka oo ku sugan Laascaanood.
Ilaa hadda lama garanayo sababaha loo dilay marxuum Saleebaan Dheere oo ahaa gudoomiyhii maxkamadda racfaanka gobolka Sool, balse warar soo baxay ayaa sheegaya in loo malaynayo in hal qof la beegsaday tacshiirada uu marxuumku u dhintay.
Ma jirto cid ilaa hada loo qabtay dilkaa . laakiin waxa la sheegay sida laga soo xigtay inay saraakiisha ciidanka amaanka in ay ciidamadu wadaan baadhitaan, inkasta oo ay wararka qaar sheegayaan in dadkii dilay marxuumka ay durbadiiba baxsadeen.
Si kastaba ha ahaatee dilka gudoomiyaha ayaan ilaa hada lahayn cidii ka danbaysay iyo ujeedada laga lahaa, balse waxa la filayaa inay hawlgalka ciidanka amaanku kasoo baxaan warar la xidhiidha dilalkaa oo u muuqday mid qorshaysnaa, iyadoo ay mudooyinkii u danbeeyay xaalada gobolka sool ee magaalada Laascaanood deganayd, wixii ka danbeeyay horaantii bilihii aynu soo dhaafnay ee qaraxyada iyo toogashooyinka isdaba jooga ahaa ka dhaceen, kuwaas oo qaar ka mid ah dadkii loo qabqabtay maxkamd la hor geeyay, kuwaas oo qaarkood lagu riday xukumo kala duwan.halka kuwo kalena la sii daayay. Kadib markii waxba lagu waayay.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Hargeysa Office
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com