Londan(ANN) Allah Hawnaxariistee Fanaanadii caanka ahayd ee  Faadumo Qaasim Hilowle oo kamid ahayd  Hobaladii Waaberi ayaa ku geeriyootay  cariga Britain oo ay Mudooyinkii ugu Danbeeyay Degayd.  Marxuuda oo kasoo jeeday qoys caan ku ah fanka, iyadoo aabeheed Qaasim Hilawle ka mid ahaa

dadkii aasaasay fanka banaadiriga loo yaqaan xiliyadii horaantii sodonaadkii.
Marxuumada oo iyadu fanka soo gashay lixdanaadkii oo fanka Soomaalidu marayay marxalad aad u saraysa, waxay fanaaniinta Hobolada Waaberi ka mid noqotay 1966, waqtigaa oo marxuumada la qoray Raayow Muqdisho. waxayna ka qayb qaadatay Riyaawadii ugu horaysay ee lagu furay Tiyaatarkii Muqdisho 1968, taas oo ahayd Riwaayadii caanka noqotay ee Shabeel naagood ee uu sameeyay Abwaan Xasan Sh. Muumin. 
Marxuumada Faadumada Qaasim Hilawle oo ku luuqayn jirtay, isla markaana caan ku ahayd  Heesaha Banaadiriga waxayna ka qayb qaadatay Riwaayado baddan. Waxayna Faadumo caruurteeda qaarkeed ka hida raaceen fanka iyo heesaha.
Wararka la xidhiidha  Geeradida ku timid Fanaanada Weyn ee Soomaaliyeed Allaha u Naxariistee Marxuumad Faadumo Qaasim Hilowle  iyo taariikh nololeedkeeda waxaanu kasoo gudbin doonaa xiliyada soo socda haddii  Alleh raali ka noqdo.
Bahda Warbaahinta Araweelonews  waxa ay tacsi u dirayaan dhamaan Ehelada iyo Bulshada  Soomaalida, iyagoo ka tacsiyadaynaya  Geerida ku naxdinta leh eek u timi  Fanaanada Marxuumada Faadumo Qaasim Hilowle waxeyna Illaahay ugu baryayaan in uu Janadii Fardowso ka Waraabiyo Qoyskii, Eheladii, Bahda fanka Soomaalida iyo guud ahaan Bulshada Soomaalida  Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *