DSCN3514Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha ku xigeenka Urur Siyaasadeedka Rays Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare),  ayaa Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ugu baaqay inay u cadaalad sameeyaan Muraaqibiinta  Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Somaliland.

Guddoomiye ku xigeenka Urur Siyaasadeedka Rays Aadan Dhoolayare, waxa uu sidaa ka sheegay mar uu ka hadlayay  isu soo baxa ururka RAYS oo maanta Huteelka Crown ee magaalada Hargeysa, wuxuuna ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland inuu eego cadaaladda oo aanu u kala eexan dhalinyarada ka shaqaynay doorashada ee muraaqibiinta doorashooyinka golayaasha deegaanka, isagoo yidhi, “Dhaqaallha Doorashooyinka waxa inaga taageera dawladaha reer galbeedka, Xukuumadeenuna waxbay ka bixisaa, aakiin maanta waxa la leeyahay oo aan jirin gunadii yarayd ee Muraaqibiinta, haddii aanu nahay Ururka RAYS mar labaad waxaanu baaq u soo jeedinaynaa Xukuumadda oo ka codsanaynaa inagoo og Xisbul xaakimka oo Kulmiye ah inay Xukuumaddu ololaha iyo gunada muraaqibiinta ay la bar-bar taagantahay”

.Aadan Dhoolayare, wuxuu sheegay in Madaxweynaha lagu dhaariyay inuu Ummadiisa u sinaado oo cadaalad ku xukumo oo aanu u kala eexan. sidaa awgeed waxa uu yidhi, “Bini’aadamka waxa deeqdaa waa Cadaalad, waxaynu
la soconaa Madaxweynuhu markii uu xukunka  qabtay in la dhaariyey oo loo dhaariyey Dastuurka dalka iyo Umadiisa in aanu u kala eexan, inuu Cadaalad ku dhaqo, waxaan taa u leeyahay waxaanu Madaxwaynaha iyo Xukuumada ka codsanaynaa inaanu u kala eexan inamada Muraaqibiintaa oo ah Ubadkiisii iyo Umadiisii  oo ay ka sinaadaan Gunada Muraaqibiinta” ayuu yidhi.

“Madaxda Kulmiye ma bixinayaan gunada Muraaqibiinta, laakiin Xukuumaddaa bixinaysa sidaa darteed maadaama ay Xukuumaddu bixinayso waa Hantidii Umada waa Cashuurtii Ummadda,waa inay Xukuumadu Cadaalad  samaysaa, Cadaaladdu waa mid ay Ummadoo dhami arkayso, laakiin xafiisyada la fadhiyo waa laga murmaa, tani maanta waxa ay ka markhaati kacaysaa oo ay arkayaan dhamaan reer Somaliland iyo Dhalinyarada Muraaqibiinta ahi in haddii ay Xukuumaddu sidaa ku adkaysato Cadaalad daradii u waynayd ay Ummadda reer Somaliland ku sameeyeen” ayuu yidhi gudoomiye xigeenka Ururka Rays.
Dhinaca kale RAYS, ayaa isu soo baxyo maanta ka sameeyay degmooyinka iyo gobolada dalka, kuwaas oo ay ku muujiyeen musharxiinta uga sharaxan golayaasha deegaanka iyo cududa taageerayaashooda.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *