Hargeysa(ANN) Doorashada golayaasha deegaanka Somaliland oo loo qorsheeyay inay dalka ka dhacaan dabayaaqada bishan ayaa laga cabsiqabaa inuu dib u dhac ku yimaado, iyadoo ay soo baxayaan dhawaaqyo ka imanaya dhinaca Ururada ku tartamaya

doorashada oo kalsooni-daro ka muujinaya komishanka doorashooyinka qaranka.

inkasta oo ay xubnaha komishanka doorashooyinku ku cel-celiyeen inay doorashadu qabsoomay mudadii loo cayimay oo aanu jirin wax dib u dhac ah, isla markaana ay dhowaan soo gaadheen agabka doorashadu, hadana sida ay shebekadda wararka ee Araweelonews heshay waxa soo baxaya xoggo tibaaxaya in doorashadu dib uga dhacayso mudadii loo cayimay, taas oo sabab looga dhigay agabka waraaqaha cod bixinta oo aan la dhamaystirin ilaa hada,isla markaana dib looga dalbay shirkadda waraaqaha cod bixinta soo daabacday oo tiradii la rabay aan soo daabicin, balse mar kale ay komishanku dalbeen inay soo dhamaystiraan waraaqaha cod bixinta ka hor mudada loo cayimay doorashada golayaasha degaanka Somaliland.

Dhinaca kale waxa jira dhawaaqyo iyo cabashooyin ka imanaya qaar ka mid ah Ururada tartamaya oo ka qayliyay faragelin ay sheegayaan inay ku hayso xukuumaddu musharixiinta uga tartamaya golayaasha deegaanka, kuwaas oo qaarkood ku doodayaan in xukuumaddu u adeegsanay dhaqaalle iyo awood ay ku hor istaagay hanka iyo damaca musharaxiintaa oo lagu baayacayo lacag iyo aduun. kadibna xabsiga la dhigayo haddii ay diidaan, taas oo ay ku tilmaameem mid baalamarsan nidaamka doorashooyinka iyo dumuqraadiyada, isla markaana ay komishanku awoodi waayeen inay wax ka qabtaan.
Cabashooyinka noocan ah ayaa kusoo beegmaya wax ka yar laba todobaad iyadoo ay ka hadhsan yihiin mudadii loo qabtay doorashada golayaasha deegaanka, waxayna sii xoojiyeen kalsoonidaro isa soo taray oo laga muujiyay komishanka doorashooyinka qaranka, kuwaas oo saluug weyni ka dhashay bilawgii hawsha qaabka ay u maamuleen qandaraasyadii, isla markaana meesha ka saaray gebi ahaanba lacag ka badan hal milyan oo dolar oo lagu samayn lahaa wacyigelinta doorashada, taas oo ay jeebabka ku shubteen, iyadoo aan wax wacyigelin ah la samayn marka laga reebo qoraalo kooban oo maalmihii u danbeeyay kusoo baxay jaraa’idada kasoo baxa Hargeysa, basle aan waxba ka tarayn hawshii balaadhnayd loo baahnaa ee dhinaca wacyigelinta doorashada golayaasha deegaanka oo aanay bulshadu wax macluumaad ah oo ku filan ka haysan.

Sidoo kale waxay Ururada qaar ku doodayaan inay xukuumaddu muraaqibiinta siinay dhaqaale badan, taas oo ay ku timaameen mid muujinay adeegsiga hantida qaranka ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo si badheedh ah ugu adeegsanay dhaqaalaha xisbigeeda Kulmiye, isla markaana meesha ka saaray inay Ururadu dhaqaale buuran oo ay ku maamulaan  hawlahaa u helaan muraaqibiinta doorashada.

Waxa kaloo qaar ka mid ah Ururada ku tartamaya doorashadu walaac ka muujiyeen gudida ansixinta ururada iyo axsaabta qaranka oo ku dhawaaqaya natiijada sadexda xisbi ee tartamayaasha uga gudba xisbiyo qaran, iyadoo xubnaha gudidaasi yihiin kuwo ku  tilmaaman musuq-maasuq iyo inay qaarkood ku faanaan macaash badan oo ay ka heleen wareegii hore ee tartanka Ururada oo si weyn loola xidhiidhiyay in wax isdabamarin iyo laaluush aanay ka madhnayn qaabkii ay u maamuleen hawshaa. sidaa awgeed ay natiijada tartanka Ururada ka filayaan macaash badan oo ay gacanta ku dhigaan.
si kastaba ha ahaatee waxa muuqata inuu jiro mad-madaw iyo wax isadabamarin lala xidhiidhinayo komishanka doorashooyinka qaranka iyo walaac laga muujiyay gudida ansixinta Ururada iyo axsaabta qaranka oo ururada siyaasada ee tartamaya ka muujinayaan kalsooni-daro.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *