Xasan Sheekh iyo JawaariMogadishu(Araweelo News Network) Kalabadh xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dawlada Federaalka Somalia inuu iska casilo xilka. Kadib markii sida ay sheegeen uu

ku guuldaraystay waxyaabihii uu balanqaaday inuu fulinayo, isla markaana ay dawlada uu hogaamiyaa ku fashilantay wax badan iyo in ay wax ka qabato xaalada dalka Somalia.
ayaa maanta kulan ku yeeshay hoteelka saxafi ee magaalada Muqdisho.

Kulan balaadhan oo maanta ka dhacay Huteelka Saxafi oo ay isugu yimaadeen kalabadh xildhibaanda Baarlamaanka ayaa laga soo saaray ku waajahan Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna Bayaanka oo ay ku saxeexan yihiin in ka badan 130 xildhibaan u qornaa sidan:-

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

05/05/2014

Ku: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya

OG: Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ( Jawaari )

Guddoomiyaha Baarlamaanka F. Soomaaliya

OG: Ambassador Nicolas Kay
Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay

Ujeeddo: BAAQ SOO JEEDIN IS-CASILAAD.

Mudane Madaxweyne,

Annagoo ah Xildhibaannada magacyadooda hoos ku saxiixan yihiin, kana ambaqaadayna waajibaadka guud ee naga saaran ilaalinta danta Qaranka, dabagalka iyo qiimaynta waajib gudashada hay’adaha Dowladda oo uu ugu horreeyo Xafiiska Madaxwaynaha, waxaan dib u eegis ku samaynnay ballanqaadkii aad ka hor jeedisay Golaha Shacabka markii aad murashax u ahayd hoggaaminta talada dalka, si aan u hubinno waxa ka fulay lixda tiir ee aad Ummadda Soomaaliyeed u soo bandhigtay oo aad heshiiska kula gashay wakiillada Shacabka oo Xildhibaanada ahna kugu doorteen, waxaana la filayay haddii aad ka dhabayn lahayd siyaasadda ku qotanta 6da tiir, in laga gudbi karay duruufaha adag ee dalku ku suganyahay lagana soo kabsan lahaa dib u dhacyada soo jiitamaayey tan iyo markii dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay 1991kii, ee xagga siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha, dowlad wanaagga, horumarinta bulshada iyo dib u heshiisiinta, hase yeeshee sida muuqata hoggaan kaagu waa ku guul daraystay in uu fuliyo koley ku tahay tiir qura! haddii aan xusno tiirarku waxay ahaayeen:

1.Xasillinta dalka, sarraynta sharciga iyo dawlad wanaagga.
2.Soo noolaynta adeegyada bulshada.
3.Nabadaynta iyo dib u hashiisiinta.
4.Soo noolaynta dhaqaalaha dalka.
5.Midnimada iyo wadajirka ummadda.
6.Abuuridda xiriir caalami ah;

Lixdaan tiir fulintooda muhiim bay u ahaayeen Golaha Shacabka Soomaaliyeed, oo kugu aaminay ballan qaadkaas.

Haddaba markii aan aragnay in hoggaankaagu ku guuldaraystay ;

1. Samaynta qorshe cad oo meel mar noqon kara laguna xasilin karo dalka oo maamullo loogu dhiso ummadda Soomaaliyeed si loo hirgeliyo federaalaynta Dalka, kuna salaysan caddaalad iyo maamul wanaag.

2. Soo noolaynta adeegyada bulshada oo ay ugu horreeyaan tacliinta, caafimaadka, biyaha iyo korontada.

3. Sugidda nabadgelyada, dib u dhiska ciidamo qaran oo si hufan lagu soo xulay, oo yeelan kara karti iyo awood uu ku soo celiyo kala dambayntii iyo sugidda amniga qaranka, taasoo la’aanteeda madaxbanaanida, midnimada iyo karaamada dalka mugdi gelin karta, iyadoo waliba ay weheliso in colaad beeleedyo hor leh ka soo cusboonaadeen gobollada dalka qaarkood sida: Hiiraan, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe iyo weliba meelo kale taasoo loo aanaynayo hoggaan xumida iyo karti darrada hoggaankaaga iyo dadkii aad u xilsaartay howlaha fulinta, oo sida lagu soo xulayna su’aalo badan ka jiraan.

4. In hoggaankaagu ka gaabiyay in uu curiyo fikir siyaasadeed oo lagula xaajoon karo mucaaradka hubaysan (Alshabaab), iyadoo waayo aragnimada lagu bartay in colaadaha noocaan ah aan lagu dhammayn karin xal militari oo kaliya, balse lagama maarmaan ay tahay in lagu garab wado wada xaajood iyo wada hadal siyaasadeed.

5. In hoggaankaagu ku guuldaraystay habsami u hagidda siyaasadda dhaqaalaha dalka iyo la dagaalanka musuq maasuqa, oo si aan daah furnayn Shirkado shisheeye gacanta loogu geliyey kaabayaasha halbowlaha dhaqalaha Dalka sida Dekedda, Airporka iyo kuwa kale, taasoo horseedi karta in la hakiyo kaalmadii loogu yaboohay dalka heshiiskii Compact ee shirkii ka dhacay BRUSSELS.

6. In Hoggaankaagu ka gaabiyay ilaalinta midnimada qaranka oo wada hadalkii lala galay Somaliland sida uu u socday u muuqday mid fududeynaya in dalku kala go’o.

7. In aqoonsigii diblomaasiyadeed ee ka dhashay doorashadii looga gudbay kumeelgaarka oo howsha badan la geliyay, xilligii KMG lagu jiray hadda la moodo in uu sii lumaayo ilaa heer diblomaasi ka tirsan Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya si bareer ah loo xiro oo la dafiro aqoonsigiisa diblomaasi, taasoo ay sii dheertahay in Mudane Madaxwayne Adigoo ku sugan Nairobi, Shacabka Soomaaliyeed la raafayay, oo codsigaaga waxba aysan kasoo qaadin madaxda Kenya, ficil iyo qawlna aadan ku muujin arrimaha lagu bahdalayo karaamada iyo sharafta Soomaalinnimo.

8. In qaabka loo agaasimay maaraynta degaanada lagala wareegay Alshabaab ay u keentay bulshadii ku nooleed deegaannadaas culays nabadgelyo iyo ciriiri nololeed, iyadoo magaalooyinkaas ay go’doomiyeen Alshabaab , taasoo fursad u siisay kooxda Alshabaab inay dib isu soo abaabulaan, Shacbiyadna ay helaan waana arrin hoggaan xumi ku dhacday oo laga taxadiri karay .

9. Hoggaankaagu wuxuu ku guul darraystay in dibu-habayn lagu sameeyo garsoorka oo weliba la baalmaray talooyinkii wax kuoolka ahaa ee kasoo baxay shirweynihii qaran ee arrimaha garsoorka ku saabsanaa oo Muqdisho lagu qabatay bishii April 2013kii. Mudane Madaxweyne, waxaad ka baaqsatay fulinta qod.109,faqraddiisa 2aad ee Dasuurka JFS ee tilmaamaya asaasidda Maxkamadda Dastuuriga ah, taasoo loo fasirtay inaad raadinayso qiil aad uga gabbato in lagula xisaabtamo.

10. Hoggaankaagu wuxuu ku fashilmay samaynta Guddiyada Madaxa bannaan, sida ku cad qod.111 ee Dastuurka JFS, gaar ahaanna dhismaha Guddiga la Dagaallanka Musuq-Maasuqa ee ku tilmaaman qod.111C, taasoo keentay in si bareer ah loo boobo hantida qaranka.

11. Hoggaankaagu wuxuu ku fashilmay inuu dib-u-heshiisiin dhab ah dhexdhigo beelaha Soomaaliyeed, Dawladda Federaalka ah iyo Maamullada Gobollada iyo inuu abuuro Guddiga Runta iyo Dibu-heshiisiinta, sida ku cad qod.111i ee Dastuurka JFS.

12. Hoggaankaagu wuxuu ku fashilmay Amniga Qaranka oo sida cad uu kuu farayo qod.126aad ee Dastuurka JFS, ayadoo si joogto ah loo beegsado xarumaha halbowlaha u ah Dawladda sida Maxkamadda Sare, Madaxtooyada, Xarunta Qaramada Midoobay iyo meelo kale, si joogto ahna loo laayo xildhibaannada Baarlamaanka FS, Mas’uuliyiinta Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, haba yaraateena aysan jirin dad loo soo qabtay dambiyadaas ama kuwo xil gudasho la’aan lagu eryey.

13. Hoggaankaagu wuxuu raalli ku noqday in qaadashada jinsiyadda Soomaalinnimo oo ah arrin xasaasi ah loo maro qaab sharci darro ah, ayadoo la baal maray dhabbaha uu tilmaamayo qod.8aad ee Dastuurka JFS.

14. In Hoggaankaagu aanu u muuqanin mid gaarsiin kara dalka doorasho xor ah Marka lagaaro August 2016ka, taasoo Madaxwaynoow aan filayno in aad nala qirsantahay !

HADABA, SABABAHA KOR KU XUSAN DARTOOD , WAXAAN MUDANE MADAXWEYNE KUUGU BAAQAYNAA OO KUUGU NASIIXAYNAYNAA INAAD ISKA CASISHO XILKA MADAXWEYNENIMO MAADAAMA AAD KARTI U YEELAN WAYDAY INAAD SI SAX AH U HOGGAAMISO DALKA.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *