qasriga Madaxtooyada, isla markaana uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Madaxtooyada ayaa u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Awdal.”
Sidoo kale Magcaabista gudoomiyaha cusub ee Awdal, balse laguma sheegin xil ka qaadista gudoomiyihii hore ee gobolkaa. Digreetada magcaabista gudoomiyaha cusub ee Madaxweynuhu waxa uu ku yidhi sidan:-
“Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Baahida loo qabo in badhasaab loo magacaabo Gobolka Awdal,
Markuu Aqoonsaday: Muhiimadda wayn ee loo qabo buuxinta hawsha jagadan Guddoomiyhaha Gobolka Awdal,
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Xasan Daahir Xaddi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com