Hargeysa(Araweelo News) Khilaaf ka dhashay isku shaandhayn gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ku sameeyay gudiyada aqalka wakiiladda ayaa isa soo taraya , kadib markii mudanayaasha golaha qaarkood ka biyo diideen qaabka gudoomiyihu u magcaabay gudiyada.
Isku shaandhaynta iyo magcaabista gudiyada ayaa kusoo beegnatay xili ay soo baxayeen warar aan si dhab ah loo ogayn xaqiiqdooda oo sheegaya in mudanayaasha golaha wakiiladda ee kasoo jeeda xisbul xaakimka Kulmiye qorshaynayaan in gudoomiyaha wakiiladda oo ah gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee WADDANi laga tuuro kursiga shir gudoonka wakiiladda Somaliland.
Sidoo kale gudoomiyaha WADDANi oo ah gudoomiyaha wakiiladda waxa maalmihii u danbeeyay ay warbaahinta isu marinayeen madaxda sare ee xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisa dhawaaqyo dhaleecayn ah, kuwaas oo isa soo tarayay tan iyo markii todobaadyo ka hor
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1