breaking News arraweelo,comHargeysa(Araweelo News  Network) Shil baabuur oo galabta ka dhacay deegaanka Maqaaxida Inanta ee duleedka Galbeedka Hargeysa ku geeriyooday Maxamud Aw Siciid oo ay walaalo yihiin

 

ganacsadaha caanka ah ee Maxamed Aw Siciid.

Eng. Yuusuf oo ka mid ah saraakiisha sare ee Shirkadda Somcable ayaa u xaqiiyay shabekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelo News in uu shilkaa ku geriyooday Alla ha u naxariistee Maxamuud Aw Siciid oo ay walaalo yihiin ganacsade Maxamed Aw Siciid oo ah ganacsade u dhashay Somaliland, isla markaana ganacsi weyn ku leh Somaliland, Djibouti iyo meelo kale oo mandaqada ah.

Maydka Marxuumka iyo tiro dad ah oo dhimashoi iyo dhaawacyo kasoo gaadheen shilkaa la geeyay Cusbitaalka Hargeysa, iyadoo aan si dhab ah ilaa hada loo ogayn tirada rasmiga ah ee dhaawaca iyo dhimashada shilkaa oo uu sababayay kadib markii sida wararka hordhaca ah sheegayaan laba gaadhi oo mid ay leedahay shirkadda Somcable iyo gaadhi Dyne ah isku dhaceen.
Wixii kasoo kordha kala soco shebekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *