Hargeysa(ANN)Dawladda Britain ayaa markii u horreysay si rasmi ah uga hadashay xiisadda colaadeed ee u dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamulka Budhacd-badeeda xaruntiisu tahay Garoowe ee puntland. Agaasimaha Xafiiska Arrimaha Didabada Boqortooyada Ingiriiska u

qaabilsan Afrika Mr. Tin Hitchers oo shalay saxaafadda ugu waramay xarunta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Ingiriisku aanay oggolayn khilaaf colaadeed oo ka abuurma mandaqada Geeska Afrika, sidaa darteedna ay jecel yihiin inay gacan ka gaystaan in wadahadal lagu dhammeeyo xiisadda ka dhextaagan Somaliland iyo Puntland.
“Arrintan (khilaafka Somaliland iyo Puntland) shalay (Isniin) ayaanu Addis Ababa kaga wadahadalnay, maanta (shalay) Madaxweyne Siilaanyo ayaanu kala hadalnay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland, waxaan leeyahay annaga oo ah saaxiib dalalka Geeska Afrika waxaannu ka soo horjeednaa khilaaf kasta oo rabshad abuuri kara ama isku dhac, markaa waxaannu taageeraynaa wadahadallo laga yeesho arrintaas, in la dejiyo colaada u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland, waxaannu meel kasta u tagi doonaa si loo helo xal waara oo Somaliland iyo Puntland u dhexeeya,” ayuu yidhi Mr. Tin Hitchers.
Agaasimaha Xafiiska Arrimaha Didabada Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mr. Tin Hitchers oo hoggaaminayey wefti ka kooban safiirka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya Norman Ling iyo Xoghayaha kowaad ee safaaraddaasi Mr. Matt Woods oo shalay booqasho hal maalin ah ku yimi magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxa kale oo uu ka waramay caawimadda dawladdiisu u qoondaysay Somaliland iyo weliba xidhiidhka ka dhexeeya.
“Aniga oo ka shaqaynayey xafiiska Arrimaha Dibadda muddo 27 sanno ah oo intaa la socday arrimaha Somaliland, waxaan aad ugu faraxsanahay ugu dambayntii in aan imaado.
Doorashadii qiimaha lahayd ee sannadkii hore Somaliland ka dhacday meel kasta oo aan Afrika maro dadku way ogyihiin doorashadaasi iyo sidii nabadgelyada ahayd ee xilka loola kala wareegay, waxaanna sare u kacay xiisihii loo hayey Somaliland,” ayuu yidhi Mr. Hitchers.
Agaasimaha oo ka hadlayey xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo dawladda Ingiriiska waxa uu yidhi, “Boqortooyada Ingiriisku waxay saaxiib la ahayd Somaliland muddo dheer, iyadoo rajaynaysa inuu halka ugu sarraysa gaadho, waxaynu la ka war haynaa in markii u horreysay dhawr toddobaad ka hor Wasiir ka tirsan golaha wasiirrada Ingiriisku Somaliland yimi, isagoo kala hadlay wadashaqaynta iyo mucaawadana dawladda Biritan siiso Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaan saddexda sanno ee soo socda.”
“Doorka aannu ku leenahay Somaliland waa caawimo, laakiin waxba kama beddeli karno aayaha mustaqbalkooda, kaasi waxa uu ku jiraa gacmihiina.
Caawimadayadu waxay xoogga saaraysaa la dagaalanka fakhriga, koritaanka iyo dawlad wanaagga.”
Mr. Tim Hitchens waxa uu qiray waxyaabaha horumarka muuqda ah ee ay Somaliland gaadhay, waxaannu yidhi, “Waxaan qirayaa inay Somaliland ka jirto warbaahin xor ah oo shaqaynaysa, lacag, isgaadhsiin iyo hannaan dimuqraadiyaddeed oo run ah oo aannu ixtiraamayno, kuwaas oo caddaynaya mustaqbal guul leh.”
Agaasimuhu waxa uu sheegay in wadahadallo muhiim ah weftigiisu la yeeshay madaxda dawladda Somaliland iyo xisbiyada siyaasadda, kuwaas oo uu sheegay inay si fiican isku afgarteen.
Sidoo kale, Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Mr. Norman Ling oo shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “Aniga oo fadhigaygu yahay magaalada Addis Ababa, laakiin inta badan waddamada Geeska Afrika ka hawlgala, waxaan ku faraxsanahay in maanta aan Somaliland ku imaado booqashadaydii toddobaad. Waxaan socdaalkan ku wehelinayaa Agaasimaha Afrika ee Ingiriiska oo ka mid ah madaxda sarsare ee soo booqday Somaliland muddo sannado ah, isagoo socdaalkiisu dabasocdo booqashadii dhawaan Wasiirka Kaalmada Dibada Ingiriisku ku yimi Somaliland, sidaa daraadeed waxaan rajaynayaa in aad halkaasi ka aqoonsan kartaan in dawladda Ingiriisku ku hawlan tahay xidhiidh dhaw oo ay Somaliland la yeelato.”

Safiirku waxa uu sheegay in dawladdiisu dhawrkii sanno ee u dambeeyey Somaliland ka gaysatay caawimo laxaad leh oo ku kacday tobannaan milyan oo lacagta Ingiriiska ah, taas oo ku baxday mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin arrimaha gargaarka bini’aadanimo, caafimaadka iyo taageeradda dimuqraadiyadda.
“Sababaha aannu u caawinayno Somaliland waxa ka mid ah; annaga oo xidhiidh  qotada dheer la leh, kumannaan ka mid ah dadka reer Somaliland oo ku nool Ingiriiska iyo weliba dadaalkiina aad samayseen gaar ahaan hannaanka dimuqraadiyadeed ee aad abuurteen 20-ka sanno ilaa intii aad abuurteen ismaamulkiina, arrimahaasi waxay na dareensiinayaan in aannu xidhiidh dhaw idinla leenahay, waxaannay nagu khasbayaan in aannu idinla shaqayno siyaasad ahaan iyo taageero ahaanba,” ayuu yidhi Safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya.
Waxa kale oo Safiirku isna ka markhaati kacay horumarka warbaahinta Somaliland gaadhay oo uu sheegay inuu yahay mid muuqda, isla markaana ay fikirayaan dawlad ahaan qaabka ay gacan uga gaysan karaan taageerideeda.

Araweelonews Moblie
Somaliland Office
E-mail.info@araweelonews.com

Sources Jamhuuriya

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *