Hargeysa(ANN)Dawlada Britain ayaa shaaca ka qaaday mawqifkeeda ku waajahan qadiyada Somalialnd iyo fursada siyaasadeed ee Somaliland hortaal shirka caalamiga ah ee ay qaban-qaabadiisa wado, kaas oo bisha inagu soo fool leh la filayo inuu ka dhaco dalkeeda. Safiir ku xigeenka

Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr. Chris Allan, oo socdaal maalin qaatay ku yimi  Somaliland, isla markaana kulan deg deg ah la yeeshay Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa kulankaa ka dib waxa uu kaga hadlay fariinta uu siday iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiinta kale ee uu la kulmay saacadihii uu joogay Somaliland, wuxuuna isagoo booqashadiisa ka hadlaya  yidhi,  “Waxaan ku faraxsan nahay socdaalkaygan Somaliland, waxaan maanta kulamo la yeeshay madax badan oo Somaliland ah oo aan kala hadlay arrimaha shir London lagu qabanayo oo ku saabsan dhibaatada Soomaaliya, waxaanan faahfaahin ka siiyay ajandaha shirkaasi. Waxa lagaga hadlayaa shirkanShirkan arrimaha saamaynta ku leh gobolka oo dhan ee ay ka mid yihiin Budhcad badeeda iyo argagixisadda.”
“Waxa kale oo lagaga hadlayaa horumarinta, mashaariicda samofalka ee Ingiriisku siiyo Somaliland/Somalia-ba. Waxa kale oo lagaga hadlayaa mawduucyo kale oo la xidhiidha dhaqaalaha. Shirkan waxa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya,”ayuu yidhi Safiir Ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Addis-ababa.
Safiir Ku xigeenku wuxuu sheegay in Bortooyada Ingiriisku ay tahay ta ugu badan ee taageerta Somaliland, waxaanu intaasi ku daray in dalalka Britain iyo Somaliland uu ka dhaxeeyo xidhiidh saaxiibtinimo iyo mid taariikheedba.
Safiirku wuxuu sheegay inuu u arko inay Somaliland ka qeyb gasho shirkan isla markaana ka jeediso aragtideeda iyo wixii u qabsoomay.
“Raysal wasaarahayaga iyo Xoghayaga arrimaha dibadduba inaan arrimaha shirkan maanta u sharaxno Madaxweyne Siilaanyo iyo bulshada Somaliland-ba. Waxaanan si shakhsi ah u danaynaynaa in Madaxweynaha Somaliland uu Hoggaamiyo ergada Somaliland ee ka qeyb galaysa shirkan.Raysal wasaarahayaga ayaa si toos ah ugu marti qaadi doona shirkan Madaxweyne Siilaanyo oo dhawaan qoraal u soo qori doona.”
“Xoghayahaga Arrimaha dibaduna waxa laga yaabaa inuu Telefoon u soo diro si uu tafaasiil uga siiyo waxaanu ka rajaynayno inay shirka London ka soo baxaan,”ayuu yidhi Chris Allan, waxaanu intaasi ku daray “Dariiqada ugu wanaagsan ee ay Somaliland ku gaadhi karto himiladeeda waxay tahay inay la kulanto beesha caalamka waxay noqon lahayd Madaxweyne Siilaanyo inuu gudbiyo qadiyadiisa shirkan oo ah mid aad iyo aad u sareeya.
“Waxaanu aaminsan nahay in sida ugu wanaagsan ee Somaliland ku gudbin karto qadiyadeeda ay tahay in Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyo shirkaasi arrintaasi,”ayuu yidhi Chris Allan.
Safiir Ku xigeenku wuxuu sheegay in shirkan ay goob joog ka ahaan doonaan ilaa afartan Hoggaamiye, kuwaas  oo sida uu xusay  ay ka mid yihiin Madaxweynaha Faransiiska, Raysal wasaaraha Ethiopia, Xoghaya Guud ee Qarrammadda Midoobay iyo dalalka qaadhaan bixiyeyaasha.  sidoo kale waxa uu xusay inay ka qaygelayaan wasiiro arrimo dibadeedyo iyo masuuliyiin kale oo ka socda beesha caalamka ee daneeya arrimaha Somalia, Somaliland iyo guud ahaanba mandaqada geska afrika.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *