mandela1Qunu(Araweelo News Network) Hogaamiyihii xoriyadiisa ku waayay dagaalkii mudada dheer qaatay ee uu kula jiray Cadaanka Tirada yare e gumaysan kiray dalka Koonfur Afrika

 

Nelson Mandela ayaa lasoo gebagebeeyay baroordiiq loo samaynayay mudo ku dhow Todobaad, waxaana maanta lagu aasayaa magaalada uu ka soo jeedo qoys ahaan ee Qunu ee ku taal Eastern Cape.

Hogaamiyayaal ka kala socda dunida, dad caan ah iyo marti sharaf kale oo gaadhaya 4,500, ayaa ka qaybgalay aaska loo sameynayo oo noqonaya mid dhaqameed.

Waxaana ka hadlay aaska maanta qaar badan oo ka mid ah hogaamiyayaasha dalalka Afrika ee xiligan iyo kuwo hor madax uga soo noqday Afrikada Madaw oo qaarkood ay Mandela saaxiibo ahaayeen mudadii uu ku jiray  xoraynta dadkiisa iyo dalkiisa.

Xubno ka tirsam qoyskiisa ayaa xalay ka qeybgalay duco loo sameynayay, iyada oo heeso dhaqameed lagu ammaanayo halgankiisi iyo noloshiisi dheereyd loo qaaday.

Nelson Mandela waxa uu dhintay 5 December isaga oo 95 jir ah, waxa uu ka dhashay  Mandela beesha uu ka dhashay ee Thembu ayaa waxa ay qabsan doonaan xaflad dhaqameed, isugu jirta heeso iyo gabayo, waxaana Naxashkiisa dusha laga saaray maqaar libaax.

Dadka ka qeybgalaya aaska waxaa ka mid ah Amiirka Wales. Dhawr Madaxweynayaal Afrikan ah iyo Madaxaweyne ku xigeenka dalka Iran, Raysal wasaaraha Ethiopia, Haweenayda madaxweynaha ka ah Mali, Madaxaweynah Tanzania, Madaxaweynayaal hore iyo madax kale oo u badan Afrikaan.

Baaderiga Desmond Tutu – oo saaxiib muddo dheer ay ahaayeen Nelson Mandela – ayaa xaqiijiyay inuu ka soo qeybgalayo, kadib markii uu hore u sheegay in aanu tagi doonin oo uu joojiyay safarkiisi, isagoo sabab uga dhigay in aanu helin casuumad, balse uu maanta ka qaybgalay aaska Mandela, iyadoo Dowladda Koonfur Afrika sheegtay in Baaderiga la siiyay wax uu kaga soo qeybgalo Aaska,  laakiin aanay jirin casuumaad rasmi ah oo la diray.

arraweelo.com@Gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *