Hargeysa(ANN)Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay layaab ku noqotay mudaharaadkii labada maalmood ka socday magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo uu sheegay inay u ekeysiisay dhacdadaasi magaalada daanta

 

dhulka falstiiniyiinta ee galbeed Qaza, wuxuuna arrintaa ku dhaleeceeyay xukuumadda Somaliland.

Eng. Faysal oo maanta ka hadlayay munaasibad xisbigoodu ugu dabaaldegayay guusha doorashadii ka dhacday dalka 28 Nov ee sanadkii dhamaaday oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu kaga hadlay marxalidhii uu soo maray Xisbiga UCID, qaabkii uu kusoo baxay ee mar labaad kaga mid noqday sadexda xisbi qaran ee dalka, isagoo sheegay inuu dirqi kaga badbaaday dagaal siyaasadeed oo la doonayay in saaxada lagaga saaro.

Gudoomiyaha UCID, wuxuu doorashadii ku tilmaamay inay ahayd xaaraan, isla markaana sababta xisbiyada loo furay ay ahayd oo keliya in isaga xisbigiisa laga saaro saaxada siyaasada, wuxuuna ugu baaqay Ururada hadhay haday doonayaan in dalka isbedel laga sameeyo ay kusoo biiraan xisbigiisa oo uu ku sheegay inuu keligii yahay mucaarad, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Doorashadani waxay ku bilaabatay dhiig, waxaad arkayseen in saddex xisbi qaran soo bexeen, laba mooyee ka kale waa mid la wato, walaalayaal waxaan leeyahay Uraradii hadhay doorashadii  aad ku hadheen waxay ahayd xaaraan anaguna dirqi ayaanu kusoo baxnay, waxaad arkayseen Boorama oo ahayd magaaladii Nabada wixii ka dhacayay iyo inay isu bedeshay meel aad moodo inay noqotay dhulkii Falastiin ee Qaza oo ciidanka iyo shicibku is eryanayaan, waxaad arkayseen Odaygii Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo aan socon karayn ayaa xataa la kexeeyay si loogu qanciye boorama inay Maayarka Saylac siiyaan, mana aha haddii doorasho dhacday in la yidhaahdo ducaa laysa siinayaa” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Eng. Faysal waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Ururka Xaqsoor ee hadhay Xasan Ciise Jaamac ay hore ugu balansanaayeen in haddii UCID soo baxdo oo xisbinimo u gudubto ay kusoo biiraan, haddii Xaqsoor soo baxana UCID ku biiraan, isagoo yidhi, “Xasan Ciise waxa noo taalay balan ahayd in labada Urur marba kii soo baxa ka kale ku biiro, waanuna u tegeynaa aniga iyo Jamaal ayuu yidhi.

Gudoomiyaha UCID, waxa kale oo uu ka hadlay dhaqaalaha dalka iyo shaqo la’aanta, wuxuuna sheegay inay shaqo la’aan baahsani jirto, isla markaana aanu jirin feker iyo qorshe lagu abuurayo shaqooyin, wuxuuna tusaale usoo qaatay murankii ka dhashay Wershedda Sibidhka Berbera, isagoo sheegay intii Wersheddaa lagu muransanaa inay Ethiopia samaysatay shan wershedood.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *