Hargeysa(ANN) Wariyayaal Caalamiya oo ka socda qaybaha ka duwan ee Idaacada BBC world service, ayaa booqasho ku yimi Somaliland, waxayna maanta diyaarinta barnaamij ay u qorsheeyeen in laga sii daayo qaybta Idaacada ee la hadasha aduunka  ka bilaabeen Magaalada Dekedda ah ee

 

Berbera, halkaas oo ay waraysiyo darandoori ah kaga qaadeen Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali  Cumar (Cali Xoor Xoor) iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Maayarka magaalada Cabdala Maxamed Cali, ganacsato iyo shaqsiyaad ka tirsan qaybaha kale ee  Bulshada.


Suxuyida caanka ah ee  Mary Harper oo ah gabadha tafaftiraha ka ah BBC qaybteeda afrika  oo hogaaminaysay kooxda warfidiyeenada BBC qaybta la hadasha aduunka, waxa   weheliyay    C/risaaq X. Maxamed Siraad, oo ka tirsan suxufiyiinta ruugcadaaga ah ee Bush House iyo weriyayaasha  Somalialnd u jooga  Idaacada Qaybteeda ku hadasha  luqada Af-soomaaliga  Axmed Siciid Cige. Iyo Xuseen Aw Jaamac Jibriil (Xagar),


Suxufiyaantaa  oo ku guda jira barnaamij balaadhan oo ay doonayaan inay ka tebiyaan  BBc qaybteeda la hadhasha aduunka, isla markaana ku waajahan dhinacyada dhaqaallaha, siyaasada, ganacsiga iyo adeegyada bulshada ayaa kormeer kusoo maray dekedda Magaalada berbera, iyagoo waraysiyo qayb ka ah barnaamijkaa la yeeshay Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Xoor Xoor, isla markaana muqaalo sawiro ku gaalaa bixiyay dekedda oo waqtigaa ay ka socdeen hawlaha adeegyada dhoofinta iyo dejinta badeecada  kala duwan.


Maareeyaha Dekada Berbera Cali Cumar Maxamed ( Cali Xoor Xoor),  ayaa ka warbixiyay  adeegyada ay qabto  dekedu  sida uu yahay dhaqdhaqaaqa xiligan, saamaynta dhinaca  nabadgelyada  ee mandaqada mushkiladaha ka jira , kaalinta ay dekadu harumarka dalka kaga jirto, adeegyada ay bixiyaan, iyo waxyaabaha u qorshaysan  Mustaqbalka.


Sidoo kale waxay kooxda warfiyeenada  ka socday BBC qaybta la hadasha aduunku Maayarka magaalada Berbera  Cabdale Maxamed Cali la yeesheen  waraysi ay wax kaga waydiiyeeen  Xaalada magaalada Berbera iyo waxyaabaha dhinaca adeega aasaasiga ah ee ay bulshadda u qabtaan Dawlada Hoose.
Kooxdaa weriyayaasha, waxay sidoo kale barnaamijooda qayb ka ahayd in waraysi khaas ah oo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo) ay ka qaadaan, taas oo qayb ka ah  barnaamijka ay u yimaadeen Somaliland kooxda ka  socday Idaacada BBC-da , kuwaas oo  wada barnaamij balaadhan oo ay doonayaan in laga sii daayo Idaacada BBC World Service qaybteeda la hadasha  aduunka, kaas oo  si toos ah looga sii daynayo saacada maalinta Khamiista 26 Jan 2012. Isla markaana ku baxaya laba iyo toban luqadood  oo ka mid ah Luqadaha kala duwan ee ay BBC world Service ku baahiso wararka iyo barnaamiyada kala duwan ee ay dunida u gudbiso.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *