Hargeysa(ANN)Ambassador Augustina Mahinga oo ah Wakiilka Qarammadda midoobay u qaabilsan Somaliland iyo ayaa maanta booqasho gaaban ku yimi Somaliland, isagoo galabta kasoo degay  madaarka Magaalada  Hargeysa. Mahinga oo Saxaafada  kula hadlay


qolka VIP-da, ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay ujeedada socdaalkiisa, isagoo xusay  inuu ku faraxsan yahay booqashadiisa Somailand oo aan ahayn tii ugu horaysay. Sidaa awgeed socdaalkiisa waqtigan wuxuu  micneeyay booqasho caadi ah oo la mid ah kuwii uun horeba sida  joogtada ah  ugu iman jiray Somaliland.
Ambassador Augustina Mahiga wuxuu sheegay inay qarammadda midoobay ku leedahay Magaaladda Hargeysa xafiis siyaasadeed (UNPOS),  isla markaana uu u socdo fulinta shaqadda xafiiskaa  u taalla.
Hase yeeshee Mar oo la weydiiyay inuu socdaalkiisu la xidhiidho sidii uu Xukuumadda Somaliland ugala hadli lahaa sababaha ay u qaadacday wadahadaladii lagu waday inay la yeelato Somalia, basle wuxuu carabka ku dhiftay Mahinga inuu u socdo sidii loo sii meel marin lahaa qodobadii kasoo baxay shirweynihii London oo uu xusay in lagaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay la dagaalanka budhcad badeeda oo uu carabaabay inaanay ahayn mushilad goboleed ee ay tahay mid caalami ah . sidoo kalena aanay socdaalkiisa ka madhanayn waxyaabihii kasoo baxay shirkaa ee dhinaca wadahadalada Somaliland iyo Somalia.

Mr. Mahiga waxa uu sheegay inay tixgelin ugu hayaan Somaliland waxyaabo badan oo ay qabsatay, isagoo xusay  in  shirkii London 23 Feb, 2012 lagaga hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo mawduucyo badan oo ka mid ah horumarinta adeegyadda Bulshadda, loona baahanyahay meel marinta iyo tixgelinta go’aamadii beesha Caalamka. Mahinga waxa Madaarka kusoo dhoweeyay wasiirka arrimaha Debeda Maxamed Cabdillaahi Cumar,  wuxuuna wasiirku sheegay nay wakiilka kusoo dhawaynayaan niyadsamaan, isagoo  xusay in booqashadiisani ay qeyb ka tahay socdaalo joogto ah oo uu hore ugu iman jiray Somaliland.
Socdaalka Ambassador Mahinga ayaa kusoo beegmay iyadoo dib u dhac  iyo hakad ku yimi wadahadalada la filayay inay dhexmaraan Somaliland iyo Somalia, balse xukuumadda Somaliland hakisay dhinaceeda inay qayb ka noqdaan wada hadladaa ilaa ay dawladda Sh. Shariif ka noqoto xubnaha u dhashay Somaliland ee ay dhinaceeda kaga soo dartay gudida.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *