Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/raxmaan Cirro), ayaa soo dhaweeyay magacaabista Xildhibaan Maxamed Nuur Carraalle (Duur) oo ka mid ahaa Mudaneyaasha Golahaasi uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu todobaadkii hore

 

u magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Guddoomiyaha Wakiiladu waxa uu sheegay inay suurta gal tahay in mudanayaal kale xilal looga magcaabo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo. Sidaa uu soo dhawaynayo oo uu bogaadinayo Wasiirka cusub ee Arrimaha gudaha, isagoo  xusay inuu ka mid noqday xukuumadda Somaliland. Guddoomiyaha Wakiiladu waxa uu sidaa ku sheegay mar Telefishanka  Horn Cable TV ee laga laayahay Somaliland wax ka weydiiyay aragtidiisa xilkaa loo magcaabay xubin mudane Baarlamaan ah.
“Waxa loo wada shaqaynayaa qaranka uun waanan soo dhawaynayaa magacaabista Md. Nuur Carraale loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha, sida sharcigu dhigayay Xildhibaanku wuu iska casilay xubinimadii Golaha waxaana aanu marin doonaa habkii sharciga ahaa,”ayuu yidhi Md. C/raxmaan Cirro.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *