Brussels(ANN) Dr. Charles Tannock  Oo ah Af-hayeenka  Kooxda Siyaasada Arrimaha Debeda  Ee Midawga Yurub u qaabilsan siyaasada debeda, isla markaana ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Britain ee xisbiga Conservatives  una ololeeya sidii dib u habayn loogu samayn laahaa

siyaasda midawga Yurub ee ku waajahan aduunka, isla markaana looga saari lahaa meesha xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha iyo iska hor imaadayada ayaa sheegay inuu Raysal wasaaraha dalka Ethiopia ugu baaqay inuu qaado talaabo ku wajahan sidii  ay Ethiopia u hogaamin lahayd sidii  loo meel marin lahaa qadiyadada  madax banaanida Somaliland.
Dr. Charles  Tannock waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu soo saaray Brussels  maalintii shalay kadib kulan uu xarunta dalka Ethiopia  1 Sep, 2011 kula  yeeshay Males Zenawi , wuxuuna isagoo arrintaa ka hadalaya yidhi, “ waxaan rajaynayaa Prime Minister Zenawi  inuu si dhab ah uga fiirsando sidii uu talaabo hore ugu qaadi lahaa madaxbanaaninda  iyo aqoonsiga Somaliland, Ethiopia waa inay qaadataa hogaaminta  aqoonsiga Somaliland oo ah  wadan ay gumaysan jirtay Mustacmaradii Britain, haatana ka go’ay soomaaliya inteeda kale .” ayuu yidhi, Dr. Charles Tannock  MEP oo u hadlayay kooxda   European Conservatives.

Wuxuuna xusay  inay Somaliland tahay meel degan  oo dhisan, isla markaana  leh  awood  maamul oo fur furan oo ay Ethiopia ka dhexeeyaan siyaasad ahaan iyo dhaqaalle ahaan . sidaa awgeed  waxa uu sheegay inay wadamo baddan oo Afrikaan ah  iyo kuwa yurub  iyo maraykanku  (AU and USA) ay taageeraan  qadiyada madaxbanaanida Somaliland , balse aanay inta baddan midawga Afrika ay qaadaan dhaqaaqii u horeeyay ee xoriyada South Sudan oo ah wadan cusub oo hada qaatay madabanaanidiisa iyo xoriyadiisa, kaas oo  sida Somaliland xoriyadeeda u doonayay mudo dheer.
Waxa mudanuhu tibaaxay in dalal waaweyn oo Midawga Afrika ka tirsan, midawga Yurub iyo Maraykanku ay taageersan yihiin madaxbannaanida, balse waxa uu sheegay in aanay jirin dal weyn oo Midawga Afrika ka tirsan oo weli ku dhaqaaqay taageeradda aqoonsiga Somalilands. Waxa kale oo mudanuhu tibaaxay in dawladda cusub ee Koonfurta Suudaan ay doonayso inay aqoonsato Somaliland iyada oo taasna abaalcelin uga dhigaysa taageeradda mudada dheer xilligii halganka Somaliland la barbar taagnayd, isaga oo tilmaamay in taariikhiyan Somalailand hore u ahayd wadan madaxbannaan oo la aqoonsaday markii ay xornimada ka qaateen Boqortooyadii Ingiriiska. 1960. Balse ay la  midoo Koonfurta  Somalia  oo Taliyaanigu gumaysan jiray. Sidaa awgeed aanayd Somaliland doonayn inay mar kale la midoobaan Somalia wixii ka danbeeyay 1991.
Somaliland waa wadan  Islaam  ah oo fur furan, isla markaana waa buslsho yar oo samaysay  dhaqaalle xooggan oo fur furan leh, waxaana jira calaamado muujinaya inay leedahay khayraad dihin oo dhinaca saliida iyo Batroolka ah, kuwaas oo aasaas u noqon kara inay yeelato awood dhinaca wershedaha Nucluyeerka ah, iyadoo Midawgii soviet  magaalada Berbera ka samayeey saldhigyo muhiim ahaa, waxayna Dumuqraadiyada ka jirta halkaasi ahmiyad weyn u leedahay  geeska Afrika, taas oo haddii aanay helin caawimo ay wx yeeli karaan kooxaha kasoo horjeeda nidaamkaa ee  ka jira Somalia sida Al-shabaab.

Dr Tannock  waxa uu sheegay  in  Somaliland tahay dal degen oo xasiloon, dhaqaalle ahaaana soo koraya, kaasi oo si aad ah uga duwan dalka guuldaraystay ee ay  ay ka taliso dawladda taagta daran ee xataa awoodi weyday inay maamusho magaalada Muqdisho, isaga oo tilmaamay in kooxda Al-shabaab fara baas ku hayso mamaulka taagta daran ee Sheekh Shariif ee Somalia.
“Dawladaha reer galbeedku weli may dareemin inay ku dhawaaqaaan in Somaliland tahay dal madaxbannaan oo Afrikaan ah, kaasi oo hoggaaminaya dhinaca dimuqraayiada iyo xasiloonida, isla markaana yahay mid kaalin weyn ku leh degannaansha ka soo koraysa mandaqada Geeska Afrika. Dawladda Ethiopia  waxay awood u leedahay inay hoggaanka u qabato mar labaaad aqoonsiga Somaliland, iyada oo ogata in dalal baddan oo Afrikaan iyo reer Yurub ahiba dariiqeeda oo kale raaci doonaan, kuna dhawaaqi doonaan madaxbannanaida Somaliland.” Ayuu xildhibaanka Ingiriiska ahi. 
Wuxuuna intaa ku daray  oo yidhi;  “Somaliland waxay Ethiopia wehel  ugu noqon dontaa nabadgelyada iyo barwaaqada, madaama labada dalba ku yaalaan mandaqad aan xasiloonayn.”
Contact:             +32 228 45870      
ECR Press Office – James Holtum –             +32 473 861762     

Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *