Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ee Hogaamiya urur siyaasadeedka WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan wadahadalo u socda xisbiga mucaaradka ah ee UDUB iyo ururka WADANI,kadib markii ay maalmahan
soo baxayeen warar iskhilaafsan oo la xidhiidha arrintaas, isla markaana xoojinayay jiritaanka waddahadalo dhexmaray labada dhinac.
Guddoomiye Cirro oo saaxafada kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ay wada hadalo u u socdaan qaar ka mida axsaabta Qaranka iyo ururada siyaasada ,isaga oo sheegay in aanay ka hadhayn wadahadalada , isla marakana ay sii wadayaan wada hadaladaas,iyada oo sida uu ku dooday siyaasada ururkiisa ay gundhig u tahay in ay iskaashi la sameeyaan dhinacyada kale ee ku loolamaya saaxada siyaasada dalka .
Waxanu yidhi“ Siyaasada ururka waxa ka mid ah in iskaashi la sameeyo , ururada iyo axsaabtaba waxa noo furan oo uu xeerka number 14 noo ogol yahay in aanu iskaashano iyo in aanu wada hadalno , waa ay jiraan ururo iyo axsaab aanu wada hadalnay , waana aanu sii wadi doonaa wada hadalaas kolay . UDUB waxa uu ka mid ahaa axsaabta Qaranka urur naga reebana ma jiro in aanu la hadalno , markaa waanu wada hadalnay wada hadalkiina kolay wuu socdaa , natiijadiisana waad sugi doontaa haddii Ilaahay yidhaahdo” ayuu Cabdiraxmaan Cirro.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com