Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ee Hogaamiya  urur siyaasadeedka WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan wadahadalo  u socda xisbiga mucaaradka ah ee UDUB iyo ururka WADANI,kadib markii ay maalmahan

 

soo baxayeen warar iskhilaafsan oo la xidhiidha arrintaas, isla markaana xoojinayay jiritaanka waddahadalo dhexmaray labada dhinac.

Guddoomiye Cirro oo saaxafada kula hadlay  Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in  ay wada hadalo u  u socdaan qaar ka mida  axsaabta Qaranka iyo ururada siyaasada ,isaga oo   sheegay in aanay ka hadhayn wadahadalada , isla marakana ay sii wadayaan wada hadaladaas,iyada oo sida uu ku dooday siyaasada ururkiisa ay gundhig u tahay  in ay iskaashi la sameeyaan  dhinacyada kale  ee  ku loolamaya saaxada siyaasada dalka .

Waxanu yidhi“ Siyaasada ururka waxa ka mid ah in iskaashi la sameeyo , ururada iyo axsaabtaba waxa noo furan  oo uu xeerka number 14 noo ogol yahay in aanu iskaashano  iyo in aanu wada hadalno , waa ay jiraan ururo iyo axsaab aanu wada hadalnay , waana aanu sii wadi doonaa wada hadalaas kolay . UDUB waxa uu ka mid ahaa  axsaabta Qaranka  urur naga reebana ma jiro in aanu la hadalno , markaa waanu wada hadalnay  wada hadalkiina kolay wuu socdaa , natiijadiisana waad sugi doontaa haddii Ilaahay yidhaahdo” ayuu  Cabdiraxmaan Cirro.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *