Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Muj. Xasan Ciise Jaamac, ayaa si kulul u weeraray xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbigeeda Kulmiye oo uu ku eedeeyay inay ku shubteen doorashadii golaha deegaanka ee

 

dalka ka dhacday 28 Nov 2012, taas oo weli la shaacin natiijadeeda.

Guddomiyaha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Muj. Xasan Ciise Jaamac oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Ururkiisa, wuxuu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay maanta xaruntooda Hargeysa.
Muj. Xasan, wuxuu ku eedeeyay xukuumadda iyo Xisbil Xakimkeeda Kulmiye inay ku shubteen doorashadii dhammaan Gobolada Sool, Awdal, Selel,  iyo Gabiley, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Runtii Xukuumadda iyo Xisbigeedu waxay ku shubteen Cododkii Gobolada Awdal, Sool, Gabiley iyo Selel, waxaana  ku shubashadaa noo xaqiijiyey Wakiiladdii noo qabilsanaa Goboladaa oo noo sheegay in kushubasho laxaadleh  ay Xisbiga kulmiye sameeyeen.” ayuu yidhi.

Gudoomiyaha Xaqsoor, wuxuu usoo jeediyay Komishanka doorashooyinka qaranka inay wax ka qabtaan arrintaa, isagoo yidhi, ”  Ururka Xaqsoor Arrintaa u dulqaadan maayo ku shubashadaa, komishanka doorashoyinka, waxaanu leenahay  waa inay  arrintaa wax ka qabtaan oo ay hoos u eegan waxa dhacay ee cadaaladdarada ah.” ayuu yidhi Xassan Ciise.

Guddomiyaha Ololaha doorashada u qaabilsanaa Ururka Xaqsoor Gobolka Sool Maxmed Ibraahin (Qabo) oo ha hadlay halkaa ayaa ku eedeeyay xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye inay ku shubteen codbixintii meelo ka mid ah gobolka Sool, wuxuuna tusaale usoo qaatay deegaamada  Xudun iyo Deeganka Bohol. sidoo kale sarkaalka Ololaha doorashada u qaabilsanaa Ururka Xaqsoor gobolka Sool, waxa uu ku dooday in uu ku biiray Ururkooda Guddomiyihii Gobolka Sool ee Xisbiga Kulmiye, isla markaana ay marag u hayaan in 43goobood oo la rabay in laga codeeyo aan la arag meel la geeyay sanaaduuqdii loogu talagalay. sidaa awgeed aan la aqbali karin in la yidhaahdo gobolka Sool  waxaa u sareeya xisbiga Kulmiye oo sida uu sheegay ku shubtay codadkii dhamaan sanaaduuqda goobahaa.

Dhanka kale Guddomiyihii Ololaha  Gabiley iyo Togdheer ee Ururka Xaqsoor Aadan Ruush iyo Siciid Caynab, ayaa iyaguna ku eedeeyay xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye inuu ku shubtay oo musuq-maasuq ka sameeyay  waxayna sheegen in Goboladaasi uu xisbul xaakimku ku shubtay Gabiley iyo Togdheer oo ay ku tilmaameen inuu ka dhacay musuq-maasuqii ugu xumaa. sidaa awgeed waxay ugu baaqeen saraakiisha Ururka Xaqsoor inay Komishanka qaranka ee doorashooyinku dhacdooyinkaa foosha xun eegaan oo ay wax ka qabtaan.

Dhaleecayntan ayaa kusoo beegantay iyadoo aanay weli Komishanka Doorashooyinka qaranku ku dhawaaqin natiijada inta badan magaalooyinka waaweyn iyo deegaamo kale, iyadoo ilaa hada dhawr degmo oo lagu dhawaaqay aanay ahmiyad weyn u lahayn in la ogaado ama la saadaaliyo ururka hadhaya iyo ka soo baxay, ama kuraasta ay ka kala helayaan degmooyinkaa, maadaama weli aan lagu dhawaaqin natiijada heer gobol ee lixda gobol oo rasmi ah oo ay weli komishanku ku guda jiraan tirintooda, balse la filayo in maalinta Arbacada ee todobaadkan lagu dhawaaqo natiijadeeda.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *