Hargeysa(ANN)Gudoomiye xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Dr. Cali Yuusuf Axmed, ayaa ugu baaqay masuuliyiinta axsaabta siyaasadda iyo murashaxiinta u tartamaya  doorashada golaha degaanka inay aqbalaan Natiijadda komishanka ee doorashada marka

 

la gaadho, isagoo sheegay in Madaxweyne Siilaanyo tusaale fiican u yahay tartanka doorashada.

Dr. Cali Yuusuf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi, “Waxaan run ahaantii u soo jeedinayaa murashixiinta, kolka horeba qof og inuu soo baxayo ma jirin, waayo haddii la og yahay hebel soo baxaya dee doorashaba ma dhacdeen.

Doorashaddu waa ta dadka lagu kala reebayo. doorashadu waxay la mid tahay ciyaarta kubadda cagta oo marka garoonka la soo galo labada kooxood ee wada ciyaarayaa koox kasta waxay jeceshahay inay badiyaan laakiin koox uun bay guushu raacdaa oo badisa. Markaa guul ayaynu joognaa mar haddii doorashadu si nabad galyo ah inoogu dhamaatay, waxaana leeyahay cida laga badiyey iyo xildhibaanka laga badiyay, waa inuu halkaa ku samro,” ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka labaad ee Wakiiladda Somaliland.

Dr. Cali Yuusuf, wuxuu tusaale usoo qaatay doorashadii madaxtooyada Somaliland ee 2003, taas oo tartan weyni dhexmaray Madaxweynaha talada dalka haya ee Axmed Siilaanyo iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Tusaale fiican oo lagu deydo waxa inoo ah Madaxweynahaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo 80 cod ayuu kaga hadhay doorashadii madaxtinimada 2003-dii. kolkaa musharax gole degaan ee hadha waxaan u soo jeedin lahaa inuu madaxweynaheena kaga daydaan tusaalahaasi wanaagsan.” ayuu yidhi xildhibaan Cali Yuusuf.
Dhawaaqa gudoomiye xigeenka ayaa kusoo beegmay kadib markii ay soo baxeen dhawaaqyo lagaga hordhacayo natiijada aan weli soo bixin ee ay
Ururada qaar kusoo qadimeen canbaarayn qaabkii doorashadu u dhacday oo ay ku doodeen in meelaha qaar xukuumadda iyo xisbigeedu ku shubteen.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *