Hargeysa (ANN) Natiijada doorashada ee golaha deegaanka dafcadii labaad ee degmooyinka qaarkood  oo ka kooban shan Degmo ayaa la shaaciyay, kuwaas Natiijooyinkooda  iyo tirada ay kala heleen ururadu kuraastooda  lagu dhawaaqay.

Degmooyinka lagu dhawaaqay, ayaa kala ah Degmada Ceel-afweyn,  Sheekh, Caynabo, Baki iyo Saylac,   kuwaas oo aanay  ururadda qaarkood waxba ka helin kuraasta.

Guddida doorashooyinka ee degmadda Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa ku dhawaaqay Natiijadda codbixinta doorashooyinka iyo qaabka ay  ururadu u kala heleen.
Golaha degaanka Ceel Afwayn iyo sida loo kala helay

1 Kulmiye waxa uu  helay 14586 oo u dhiganta 8 xildhibaan

2:Rays waxa uu helay 5315 cod oo u dhiganta 3 xildhibaan

3: Waddani Waxa uu  helay 4488 cod oo u dhiganta 3 Xildhibaan

4 :Umadda waxa uu helay 2575 oo u dhiganta 1 xildhibaan

5: UCID waxa uu helay 1882 cod oo u dhiganta 1 Xildhibaan

6:Dalsan waxaanu helay 1788 cod oo u dhiganta 1 xildhibaan

7:Xaqsoor waxa uu helay 510 cod balse waxa xildhibaan ah ma helin.

Degmada Caynaba iyo sida loo kala helay


1) Ururka UMMADDA waxa uu helay 1759 Cod oo u dhiganta 1 kursi.

2)-Ururka WADDANI waxa uu helay 3829 cod oo u dhiganta 2 kursi.

3)-Xisbiga KULMIYE wax uu helay 9236 oo u dhiganta 6 kursi.

4) Ururka RAYS waxa uu helay 6601 oo cod oo u dhiganta 4 Kursi.
Ururada UCID, Dalsan iyo Xaqsoor ayaan wax kuraas ah ka helin Degmada Caynaba.

Sidoo kale Demada Baki ee Gobolka Awdal ayaa natiijooyin hordhac ahi sheegayaan in 5 Kursi oo golaha deegaanka ah  uu ku guulaystay Xisbiga  Kulmiye, WADDANI  3 kursi, UMADDA  2 kursi,   Dalsana 1 kursi, Xaqsoor 1 Kursi, balse UCID iyo RAYS ayaan waxba ka helin sida ay sheegayaan natiijooyinka hordhaca ah ee lagu dhawaaqay.

Sidoo kele Degmadda Sheekh, ayaa kursata lagu dhawaaqay, taas oo Kulmiye ka helay degmadda Sheekh 4 Kursi,  WADDANI 4 Kursi, UCID  3 kursi, Dalsan 1 kursi, Xaqsoor ayaa isna ka helay degmada Sheekh 1 Kursi, balse labada urur siyaasadeed  Rays iyo Umadda ayaan waxaba ka helin kuraasta degmada Sheekh.

Dhinaca kale Degmadda Saylac galbeedka Somaliland ayaa lagu dhawaaqay natiijadda codbixinta doorashooyinka golaha deegaanka ee dagmadaa, kuraasta degmada oo ah  17 kursi oo golaha deegaanka Magaaladda Saylac ah, waxana 6 ka mid ah kuraasta ku guulaystay Kulmiye, WADANI  4 Kursi,  Xaqsoor 3 Kursi, ayaa  UCID 1 kursi, Dalsan 1 kursi, UMADDA  1 Kursi. laakiin urur siyaasadeedka Rays ayaan wax kursi ka helin degmadda Saylac.

Shantan Degmo iyo sadex degmo  oo hore loo shaaciyay xalay ayaa noqonaya sideed degmo oo ka mid ah 21degmo oo dalka oo dhan ay ka shaceen doorashooyinkii golayaasha deegaanka, kuwaas oo tirada codadka weli lagu guda jiro.
Dhinaca kale Komishanka Doorashooyinka ee heer Qaran ayaa wararka qaar sheegayaan inay inay uga digeen gudoomiyayaasha doorashada ee heer degmo inay ku dhawaaqaan natiijada doorashada ee degmooyinka ay masuulka ka yihiin, balse ay u gudbiyaan xarunta komishanka gobolka si ay ugu soo gudbiyaan natiijada xarunta komishanka qaranka ee guud. 
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *