Hargeysa(ANN)Gudida Cadaaladda Somaliland ayaa fadhi deg deg ah ka yeeshay maanta falkii weerarka ahaa ee  lala beegsaday gudoomiyihii Maxkamadda gobolka Hargeysa C/rashiid Duraan oo dablay hubaysani saaka waaberigii tacshiirad rasaas ah la beegsadeen, taas oo

sababtay in dhaawac soo gaadho. Kadibna loo qaado dhinaca dalka Djibouti.
.Kulankaa ay Gudidda Cadaaladda Somaliland yeesheen, waxay ku  cadeeyeen  inaanay wax baqdin ah ku abuurayn falkaasi hawshii ay qaranka u hayeen oo aanu cabsi gelinayn, isla markaana waxay sheegeen  in aragtidoodu ay tahay inaanay ka weecan Garsoor ku dhisan cadaalad iyo in sharciga loo sinaado.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland, isla markaana ah Gudoomiyaha Gudida Sare ee Cadaalada Dr.  Yuusuf Ismaaciil Cali oo saxaafada la hadlay kulankaa ka dib ayaa canbaareeyay falkaa  waxashnimada ah ee lagu beegsaday Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Maroodi jeex, isla markaana ay dareensan yihiin in dhaawaca loo gaystay Gudoomiyaha ay la xidhiidho dacwadihii uu xaqa ka maray.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare waxa uu tilmaamay inay ku kalsoon yihiin Shacbiga iyo Xukuumadda Somaliland oo fal celin deg deg ah ka sameeyay dhacdadan waxashnimada ah ee dablay hubaysani ay ku dhaawaceen Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Maroodi jeex,waxaanu sheegay in Qarankani uu soo maray marxalado tan ka dhibaato baddan, balse uu xusay in duruuf kasta lagaga soo gudbi jiray isku duubni iyo wada jir. Sidaa awgeed wuxuu carabka ku adkeeyay  in falkaasi aanu noqon doonin mid baqdin ku beera bah’da garsoorka oo la rabo ayuu yidhi inay ka weecdaan dariiqa cadaaladeed ee ummada Somaliland u ooman tahay, isla markaana ay  socoto baadhista dhacdadan kalsooni buuxdana ay ku qabaan.

“Waxaanu cambaareynaynaa falkii lagu dhaawacay Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Hargeysa oo loogu tallo-galay in qudha lagaga jaro, aad ayaanuna u cambaaraynaa falkaasi bahalnimada ah ee lagu dhaawacay Cabdirashiid Maxamed Duraan, haddii aanu nahay garsoorkii iyo guddidii cadaalada Somaliland-ba,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Dhinaca kale Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA),  ayaa canbaareeyay falka isku dayga dilka ee loo geystay gudoomiyihii Maxkamadda gobolka Hargeysa.  Qoraal canbaarayn ah oo uu maanta soo saaray Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA Garyaqaan Jaamac Cilmi Xaashi, ayaa u qornaa sidan:-“Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA,  iyagoo ka xun weerarkii waxshinimada ahaa ee lagu dhaawacay Gudoomiyaha Maxakamada Gobolka M/Jeex Muddane C/rashiid Maxamed Maxamuud (C/rashiid Duraan), wuxuu si kulul u Canbaaraynayaa Weerarkaas lagu Bartilmaameedsaday Gudoomiyahaa ka tirsan Bahda Garsoorka Jamhuuriyada Somaliland.
Sidoo kale waxaan ugu  Baaqayaa Xukuumada in ay Baadhis Sugan ku samayso Dhacdadaas Foosha Xun, dadkii falkaas gaystana Sharciga la hor keeno. Waxa kaloo aanu  ugu Baaqaynaa Xukuumada in ay dajiso oo ay hirgaliyaan Qorshe cad oo lagu sugayo Ammaanka hawl- wadeenada Garsoorka goobahooda shaqada iyo guryahoodaba, iyagoo dabeecada shaqadooda ay Khatar ugu sugan yihiin mar kasta, waayo Ka hortagu wuxuu ka wanaagsana yahay daaweynta.” Ayaa lagu yidhi qoraalkaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *