Oslo(ANN)Gudoomiyaha Ururka Waddani , isla markaana ah Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Ciro) oo socdaal booqasho ah ku maraya qaar ka mid ah dalalka Yurub, ayaa xalay kulan la yeeshay taageerayaasha Ururkiisa ee
ku dhaqan dalka Norwey.
Sida ay wararka aanu ka helay sheegayaan Gudoomiye Ciro, waxa uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka ee la filayo inay dalka ka dhacaan dabayaaqada 2012, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay barnaamijka Ururkiisa iyo waxyaabaha uu doonayo inuu ka qabto dhinacyada caddaaladda, garsoorka, caafimaadka, waxbarashada, aqoonsiga iyo adeegyada aasaasiga.
Gudoomiyaha Waddani wuxuu sheegay in Ururkoodu si gaara u tixgelinayo xuquuqda dhalinyarada iyo haweenka oo ay u qorshaynsan tahay inay doorashooyinka golayaasha deegaanka usoo sharaxyaan dad dhalinayaro ah oo aqoon u leh hawshaa, isla markaana doonayaan inay keenaan dad wax ka qabta adeegayada aasaasiga ah.
Gudoomiye Cirro waxa uu Sidoo kale taageerayaashiisa uga xog waramay xaalada dalka iyo marxalada siyaasadeed ee xiligan, isagoo dhinaca kalena sharaxaad ka bixiyay hawlaha ay qabteen golaha wakiiladda ee uu gudoomiyaha u yahay iyo diyaargarawga doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la filayo inay Somaliland ka qabsoomaan sanadkan.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com