Hargeysa (ANN) Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka UMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka mid ah Ururadda Ku Tartamaya Doorashooyinka Golaha Deegaanka Somaliland ee loo qorsheeyay inay dalka ka dhacaan
dabayaaqadda Nov, 2012, ayaa si kulal uga qayliyay dhibaatooyin xadgudub iyo xadhig uu sheegay in lagu hayo musharaxiinta Ururkiisa ee u taagan tartanka golayaasha deegaanka.
Dr. Gaboose waxa uu walaac ka muujiyay xuquuqda iyo xaqa uu Dastuurku damaanad qaaday ee musharixiinta lagu kacay xadhiga iyo cadaadiska, taas oo uu sheegay inay marar badan cabashadeeda u gudbiyeen gudida anshaxa iyo komishanka doorashooyinka qaranka, balse aanay waxba ka qaban karayn oo mushkiladii weli taagantahay.
Guddoomiyaha urur siyaasadeedka UMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxa uu sidaa ku sheegay warbixin shaxaysan oo uu soo saaray maanta, isagoo ugu baaqay komishanka doorashooyinka iyo gudida anshaxa inay wax ka qabtaan mashaakilkaa. wuxuuna qoraalka warbaxinta ah ku yidhi, sidan:-
“Waxaana Warsaxaafadeedkaasi Uu U Dhignaa sidan Somaliland waxa ka socda tartankii doorashada dawladaha hose, sida caadada u ahaydna waxaan rajaynaynaa inay inoogu dhamaato si nabad galyo ah, magac wanaagsana u soo jiida qaranka.
Waxa haboon in komishanka doorashooyinka qaranka iyo guddida anshaxu ay hor tagaan wixii carqalad ku keeni kara habsami u socodka doorashada, xalna u raadiyaan wixii cabashooyin ah ee soo gaadha.
Hadaanu nahay ururka Umadda waxaanu dhawr jeer ula nimid madaxda komishanka qaranka iyo guddida anshaxaba cabashooyin soo noqnoqday oo la xidhiidha xadhiga musharaxiinta iyo masuuliyiinta ururka, inkasta oo aanu ka mahad celinayno inaad wax nagala qabateen siidaynta qaar ka mida hadana waxa werwer iyo walaac nagu keenay xabsigii musharaxiintayada oo aan joogsanayn, si ula kac ah oo aan waafaqsanayn shuruucda dalkan loo beegsanayo ilaa maantana qaar ka mid ahi ay ku jiraan xabsiga Burco.
Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa magacyada musharaxiinta iyo magaalooyinkii ay kala duwanaa ee lagu xidhay .
L.R |
Magaca |
Lam.Codka |
Degmada |
Faahfaahin |
1. |
Mush.Maxamed Yuusuf Cabdale |
113 |
Balli-Gubadle |
|
2. |
Mush.C/risaaq Faarax Xuseen |
114 |
Burco |
|
3. |
Mush.Maxamed Jaamac Dubad |
105 |
Hargeysa |
|
4. |
Gud.Jaamac Maxamed Cabdi |
gudoomiye |
Caynabo |
Wuxuu xidhnaa 3cisho |
5. |
Mush. C/raxmaan Mire Gurxan |
106 |
Caynabo |
Wuxuu xidhnaa 5cisho |
6. |
Maxamed Ciise Ducaale |
109 |
Burco |
Waxa la xidhay 2 jeer |
Waxaan kaloo halkan idiinku soo gudbinaynaa magacyada musharaxiinta kale oo na soo gaadhsiiyey in si joogtaa ah loogu hayo cago juglayn iyo baqdin gelin xadhig.
Lr |
Magaca |
Lr Codka |
Degmada |
1. |
Mush.Prof.Mustafe Maxamuud Daahir |
110 |
Burco |
2. |
Mush.Maxamed Ibraahin Aadan |
107 |
Buuhoodle |
Musharaxiintaas oo midkiiba dhawr maalmood lagu soo hayey xabsiyada midkoodna laguma soo oogin danbu uu wakhtigas faraha kula jiray , ama dambi ka badan saex sanadood sida sharcigu qorayo, ee dhamaantood waxa loo aaneeyey eedo siyaasadeed oo ka danbaysa oo mu,aamaradaysan.
Waxay arintaasi guud ahaan musharaxiinta ururka Umadda ku abuurtay walaac iyo walbahaar waxayna mudaday xidhnaayeen lumiyeen hawl galadoodii ololahha iyo taageero abuurashadooda, waxaana meel lagaga dhacay shuruucda dalka,sharafta iyo xuquuqda musharaxiinta.
Sidaas awgeed waxaanu guddid anshaxa iyo masuuliyiinta komishanka si xushmad leh uga codsanayaa maadaama ay iyagu yihiin hay?adda ugu saraysa ee maamuusha habsami u socodka hawlaha doorashooyinka, inay arintaas soo afjaraan iyakooo adeegsanaya awoodahooda sharci.
Waxaanan halkan idiinku wergelinayaa inaanu dhawr jeer taliyaha ciidanka police-ka ugu tagnay cabasho waxbase aanay nooga hir gelin inuu arintaas wax ka qabto.” ayuu yidhi Dr. Gaboose
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com