Hargeysa(ANN)Ciidamada Bilayska Somaliland ayaa caawa fiidkii albaabbada u xidhay xafiiskii maamulka iyo maareynta ee Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable TV ee magaalada Hargeysa, kaas oo ku yaala kasoo horjeedka kaalinta Cajab.Sidoo kale ciidamada Booliska ayaa

Istuudiyiha Telefishankaa oo ku yaala dhinaca bari ee Magaalada Hargeysa la geeyay inyar ka dib  si ay albaabada ugu laabaan.
C/llaahi Aadan Cumar (Wayab) oo ka mid ah madaxda Telefishnkaa ayaa u xaqiiyay in albaabada loo xidhay xafiiskii maamulka. Sidoo kalena ay waqtigaa ciidanka boolisku dul taagnaayeen iyagoo amar ku siiyay weriyayaasha iyo hawlwadeenada xarunta Istuudiyaha inay debeda uga baxaan si ay u xidhaan. Wuxuuna si kooban u yidhi, “Ciidamadu waxay soo xidheen xafiiskii Maamulka iyo maaraynta, waxayna hada nala joogaan Istuudiyaha iyagoo leh, “kasoo baxa waanu xidhaynaaye, waxayna noo sheegeen inay wataan amar ka sareeya iyaga ayuu yidhi Mr. Wayab.
.Ma jiro war rasmi ah oo ay xukuumaddu ka soo saartay talaabada ay ka qaaday  maamulka iyo hawlwadeennada Telefishankaa, balse madaxweynaha Somaliland ayaa khudbad sanadeedkii uu u jeedinayay labadda gole maanta ku sheegay in Telefishanka Horn Cable yahakuwa loo adeegsado dagaalka lagula jiro qaranimada Somaliland.  wixii kasoo kordha warkaa kala soco shebekada Araweelonews.com

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *