Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa 27 March qoraal ay ku  amartay hay’addaha dambi baadhista iyo xeer ilaalinta inay toddoba maalmood gudahood ku soo dhammaystiraan dacwadaha loo haysto Badhasaabkii Maroodi-jeex, Agaasimhii Dib u dejinta iyo La taliyihii Madaxweyne xigeenka

 

Somaliland. kadib  markii xukuumadda Somaliland isugu dartay 10 March 2012, xil ka qaadis iyo xabsi, iyadoo lagu eeddeeyay inay musuq-maasaqeen raashin macaawimo ah.
Hase yeeshee masuuliyiintaa ayaa weli xidhan iyadoon wax maxkamad ah la horgeyn, waxayna hada ku xidhan yihiin xabsiga dhexe ee Hargeysa 46 Caanamaal. Sadexdaa masuul oo kala ah Badhaasbkii Maroodi-jeex  Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarji), Agaasmihii Dib u Dejinta Axmed Cilmi Barre iyo La taliyihii Madaxweyne Xigeenka Somaliland Cismaan Siciid Jaamac iyo   Cabdishakur Cabdi Nuur oo ah Nin dhalinayaro oo ganacsade ah, waxa markii la qabtay oo laysu raaciyay sadexdaa masuul xil ka xayuubin iyo xabsi loo arkayay inay xukuumaddu hayso denbi cad oo ay gacanta kula jireen sida uu Madaxweyne xigeenka Somaliland oo ka hadlxadhigooda iyo in xilalkii ay hayeen laga qaaday ka sheegay qasriga Madaxtooyada 10 March, balse waxa markiiba soo baxay warar is burinaya oo aan xaqiiqdooda laga war hayn, kuwaas oo qaarkood sheegayeen in xadhiga sadexdaa masuul yahay mid siyaasadeed oo wanjal ah, isla markaana aanay jirin wax ay lunsadeen, ama musuq-maasqeen.
Laakiin xukuumadda ayaa ku adkaystay  inay maxkamadda iyo hay’addaha garsoorka sida ugu dhaqsaha baddan u horgeyn doonto. Balse waxay weli ku jiraan xabsiga dhexe iyadoon aan wax Maxkamad ah  oo ku cadaysa denbiga lagu eeddeeyay, ama ku weyda  la horgeyn, taas oo sii xoojisay wararkii is khilaafsanaa ee la xidhiidhay xadhiga sadexdaa masuul, kuwaas oo Maxkamadda gobolka Hargeysa qoraal ay soo saartay 27 March oo hada laga joogo toban maalmood ku amartay hay’addaha baadhsita denbiyada ee CID iyo xeer-ilaalinta inay mudo todoba maalmood ah kusoo gubiyaan dhamaystirka eeddaha loo haysto sadexdaa maxbuus, basle sida ay tibaaxayaan saraakiil dhinaca garsoorka ahi, ma jiraan ilaa hada wax eeddo ah oo ku saabsan  dacwadda sadexdaa maxbuus oo loo gudbiyay maxkamadda, marka laga reebo warbixintii u horaysay ee Garsooraha maxkamadda gobolku sheegay.
Sidoo kale Taliye xigeenka Booliska Somaliland C/raxmaan Liibaan Fooxle oo maalin ka dib amarka qoraalka Maxkamaddu soo saartay ee la xidhiidha dhamaystirka dacada maxaabiistaa looga yeedhay Xarunta Baadhsita Denbiyada Somaliland ee loo yaqaan CID, ayaa lala xidhiidhay inay qayb ka tahay  baadhista kiiskaa, maadaama ay saxaafada qaarkeed baahiyeen inuu lug ku leeyahay, basle Taliye xigeenka ayaa ku dooday inaanay isaga iyo ciidnaka boolisku  wax lug ah lu lan kiiskaa ee uu halkaa u tegey sidii laysugu dubaridi lahaa eeddaha masuq-maasuq ee loo haysto raggaa, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Aniga CID-da laygama yeedhi karo, waxan u tegey inaanu kiiskaa isku soo dubaridno oo aanu 24 saacadood kusoo dhamaystiro”.
Inkasta oo Taliye xigeenka Boolisku sidaa uga dhawaajiyay inay 24 saacadood ugu gudbinayaan kiiskaa, balse taasi ma dhicin, waxaana hada laga jooga toban maalmood markii uu sidaa ku dhawaaqay. Waxaana ka dhashay dib u dhaca kiiskaa dareeno iyo tuhuno markii horeba soo baxayay oo qaarkood sheegayeen inay jiraan masuuliyiin kale oo lala xidhiidhinayo arrintaa, isla markaana ay taasi sabab u tahay dhamaystir la’aanta  dhinaca baadhsita kiiska iyo tuhuno markii horeba lagula xidhiidhinayay sadexda masuul in lagu deg-degay xilalka laga qaaday iyo in xabsiga loo taxaabo, isla markaana ay arrinta  lagu eeddeeyay tahay mid ay shaqsiyaad kooban oo ka tursan xukuumaddu maleegeen, kuwaas oo qaarkood si khaldan looga dhaadhiciyay eeddaha sababay in talaabo lagaga qaado sadexdaa maxbuus. Sidaa awgeed waxa saacadihii u danbeeyay soo baxayay tibaaxo la xidhiidha xadhiga sadexdaa maxbuus oo shegayay in hada eeddaha kiiska si wax isaga bedeleen oo ay suurta gal tahay in lagu eeddeeyo kuwo gudan waayay xilkoodii, isla markaana maalinta sabtida 7 April la horgeynayo maxkamadda, taas oo meesha ka saaray musuq-maasuqii ay markii hore ku eedaysnaayeen.
Hase yeeshee haddiiba ay arrimaha lagu eeddaynayaa sadexdaa maxbuus sidaa isu bedelaan oo Sabtida 7 April la horgeeyo maxkamadda iyadoo eeddahaa la daba sido, waxa muuqanay inuu faashil yahay kiiska loo haystay, isla markaana waxa imanaya su’aalo la xidhiidha xilalka ay qaranka u hayeen ee ay gudan waayeen maxay yihiin, caawimooyinka iyo raashinka la musuq-maasuqay yaa masuul ka ahaa, ma jiraa loogu xil saaray hawshaa oo ka baxsanayd shaqadooda iyo su’aalo baddan oo kale, kuwaas oo ay adkaan doonto inay Xeer-ilaalintu jawaabo u hesho, waa haddii ay sadexdaa maxbuus helaan qareeno aqoon iyo khibarad u leh arrimaha sharciga iyo maamulka dawliga ah. si kastaba ha ahaatee waxay qaybo baddan oo bulshada ahi ka war sugayaan sida ay wax u dhacaan haddii kiiska sida xunbada usii gudhayaa noqdo mid ay eedaysanayaasha muda dhaafay ku helaan garsoor xaq ah oo jawaabta uu ka bixiyaa dacwadaasi saamayn ku yeelanayaan  mustaqbalka caddaaladda Somaliland iyo inay  bulshadu xaqiiqsato in dib u habaynta xukuumadda Siilaanyo ku baaqday inay is bedel ku samaysay garsoorka noqoto mid bulshadu rumaysato,  ama mid u xaqiijiya inaanay waxba iska bedelin sidii hore looga bartay hay’addaha garsoorka intii ay Somaliland jirtay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *