Hargeysa(ANN)Gudoomiyaha xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inaan laga fursanayn in xiligga doorashada Somaliland loo qayshado qaramada Midoobay iyo Ururka Midawga Afrika, maadaama ayuu yidhi aanay xukuumaddu
dhex u ahayn Ururada, isla markaana aanu jirin garsoor laysku halayn karo oo cadaalad ah.
sidoo kale Eng. Faysal, wuxuu si weyn uga qayliyay mushkilad ka dhalankarta haddii la meelmariyo xeerka sirdoonka qaranka ee dhowaan golaayshu ansixiyeen, balse aanu weli madaxweyne siilaanyo qalinka ku duugin, wuxuuna shacbiga ugu baaqay in laga hortago xeerkaa oo horseedi kara cawaaqib xumo.
GudoomiyahaUcid Faysal Cali Waraabe, waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Hargeysa, wuuxna ku tilmaamay xeerka sirdoonka mid ka hor imanaya qadiyada iyo madaxbanaanida Somaliland, isla markaana dalka u horseedi kara bur-bur, haddii aan laga hortegin , isagoo bulshada Somaliland ugu baaqay inay hor istaagaan ansaxinta xeerkaa ,maadaama uu yahay mid aan waafaqsanayn xoriyatul qawlka iyo xaqa rayi dhiibashada ee dastuurku damaanad qaaday.
Gudoomiyaha UCID, isagoo sharaxaad ka bixinaya Xeerka Sirdoonka iyo Xeer Lambar 14 ee doorashada, waxa uu yidhi, “Xeerarka la sameeyay ee sirdoonka, waa xeer aad moodo in laga soo dheegtay kii Siyaad Bare, waxaanu jecelnahay xeerkaa lagu cabudhiyo dadka oo kasoo horjeeda xeerkii aynu ku noolayn oo sheegaya indadka reer Somaliland la dhagaysto siyaasi iyo qofkasta hadalkiisana la duubo.
Hadaad wax ka sheegtid madaxweynaha iyo dawlada wuxuu sheegayaa xeerku in intii la doono lagu xidhi karo, waxaynu ba,nay maalintaynu siidaynay xeer no:14,kaa miidhiyaha ee la leeyahay waxaa lala wareegayaa qalabka hay’addaa warbaahineed haysato. Maaha wax dalka ka soconaya,waxaan ugu baaqayaa ururada madaxa baanan inaan iska kaashano sidii loo joojin lahaa xeerkaa sirdoonka,waxaanu jecelnahay shacabka ree somaliland inay iyaguna dhinacooda ka istaagaan ,haddii ay labadaa xeer inagu socdaan sidii kii lambar:14 oo maanta ah ka doorashada kala diray baarlamaankii iyo guurtidii, haddii aynu kana siidayno Somaliland dumuqraadiyadeedii khatar ayay galaysaa, markaa waxaanu jecelnahay inay bulshadu mid mid u akhriyaan oo aan codmidaysan kuwada diidno”
Dhinaca kale Eng. Fasal Cali Waraabe, waxa uu ka hadlay doorashada golayaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsooto 28 November 2012, taas oo uu sheegay inaanay xukuumaddu dhex ka ahayn ururada ku tartamaya oo ay qaar ka mid ah Ururada oo aanu sheegin u xaglinayso.
wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu joojiyo waxyaabaha ay ka imankaraan iskudhac dadwayne oo ay joo jiyaan xisbul xaakimku xildhibaano uu sheegay inay xukuumaddu ku iibsanayaan hantida ummada, kuwaas oo sida uu ku dooday la leeyahay ka tanaasula musharaxnimada, waxaanu idin siin doonaa mansab, ama lacag, iyadoo la marayo dariiq khaldan oo xaafadaysan.
“Waxa muuqata in dalkii olale bulsho ku wada jiro, waad ogatihiino xildhibaanadii wakiilada iyo guurtida, xeer No:14 ayaa u fasaxay inay urur kasta gali karaan ,way iska xaadiriyeen oo midkastaa olale ayuu ku jiraa, guurtidiina olole ayay ku jirtaa, dawladiina ololay kujirtaa madaxwaynihiibaa iyo masuuliyiintii kale oo dhan ayaa Olole ku jira. markaa waxa meesha ka maqan cudidii sedexaad ee ilaalinlahayd ee inoo kala garqaadi lahayd ee xilku saarnaa ee la rabay inay noqoto dhex-dhaxaad oo la socoto hawlaha doorashooyinka. sidaa awgeed waxaanu u aragnaa inaanu u baahanahay qaramada midoobay (United Nation ) iyo Ururka Midawga Afrika oo aanu nidhaahno waxaanu nahay xoogag siman, oo aan xil saarnayn nabad gelyadii yay naga bur-burin ee noo kaalaya oo cid noo soo dira.”ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.