Hargeysa(ANN)Majaajilaystaha u taagan Murashaxnimada Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID  Jamaal Cali Xuseen ayaa ku canbaareeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro oo hogaamiya Ururka siyaasadeedka Waddani ee ka mid noqday

 

saddexda xisibi qaran ee ku guulaystay doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacday dhowaan inuu sii hayo weli jagada Gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland.

Musharaxa Jamaal Cali Xuseen, wuxuu ugu baaqay Gudoomiyaha Waddani haddii uu ka mid noqday Ururkiisu saddexda Xisbi qaran ee soo baxay inuu labada xil mid ka tanaasulo, wuxuuna sidaa ka sheegay xaflad balaadhan oo xisbiga UCID maanta ku qabsaday magaaladda Hargeysa, taas oo ay ugu dabaal-degayeen guusha xisbigoodu ka soo hooyay doorashadii Goleyaasha deegaanka ee dalka ka dhacday 28-kii November 2012.

Jamaal Cali wuxuu isagoo la hadlaya Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, isla markaana ah Gudoomiyaha Waddani yidhi,  “Waxaan doonayaa in aan maanta markii u horaysay ka hadlo labada Xil ee uu isku hayo Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland. Waxaan leeyahay Saaxiibkay Cabdiraxmaan Cirro oo aanu saaxiib nahay, isla markaana qadarin badan aan u hayo waanu ognahay inaad markii hore Ishaa falataynaysay oo aad doonaysay inaad kursiga sii joogto oo aad eegto in Ururkaagu soo baxo iyo in kale Laakiin Maadaama uu soo baxay Xisbigaagii oo aad halkaad doonaysay ku gaadhay labada xil mid iskaga tag iskuma hayn kartide.” ayuu yidhi Musharaxa UCID.

Wuxuuna sheegay inay xaaraan tahay in Gudoomiyaha Wakiilada oo Xisbi Gudoomiye u ah, isla markaana mushahar ka qaata qaranka uu danihiisa gaarka ah ee siyaasadeed ka shaqeeyo. sidaa awgeed loo baahanyahay inuu banaanka isa soo taago oo aanu danihiisa uga faa’idaysan golaha sharci dejinta ee uu gudoomiyaha u yahay, wuxuuna jamaal isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, ” Waxaan leeyahay Xeerka iyo sharcigu ma oggola inaad laba xil isku hayso ee waa inaad iska dhiibtaa. haddii adigii xeerka samaynayay aad xeerkii jebinay sidee ayaad ummada u qancinaysaa. Adeer markii hore waxaad dabada kula jirtay Baarlamaan. laakiin waxaad tahay maanta xisbi mucaarad ah, waa inaad banaanka timaadaa oo aad musharaxnimada aad doonay ee Madaxweynaha isu soo taagtaa. haddii kale sharcigu noqonmaayo shaadh aad is leekaysiinay taasna cidna kaa yeelimayso ayaanu leenahay inaad shaadh qaran nagula dagaalanto, ummaduna kaa yeelimayso, xukuumaddana waxaan leeyahay waad u dhaarateen ummada ee waa inaad aragtaan caddaalad-darada ee maaha inaad inshaha ka qarsataan gudoomiyaha wakiiladda ee xeerka ka talaabsanaya ayuu yidhi Jamaal cali Xuseen.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *