Dubai(ANN)Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maanta Magaalada Dubia ee dalka imaaraadka carabta kula kulmay Madaxweynaha dawladda taagta daran ee TFG-da Somalia Shariif Sh. Axmed, kulankaas ayaa si cad loo ogayn ujeedadiisa iyo waxyaabaha

ay kaga wada hadleen Madaxweyne Shariif iyo Gudoomiyaha UCID, balse Faysal Cali Waraabe oo Idaacada BBc-da waraysi siiyay ayaa sheegay inuu  kala hadlay sidii uga noqon lahaa Shariif  laba xubnood oo uu ku soo kordhiyay Gudidii ay dhinacooda usoo  xuleen wada hadalada Somaliland/Somalia, kuwaas oo ka soo jeeda maamul-goboleedka Puntland.
Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Eng, Faysal Cali Waraabe oo maanta u waramayay laanta Af-Soomaliga ee BBC-da , waxa uu sheegay ujeedada kulanka isaga iyo Shariif  uu ahaa  sidii loo dardargalin lahaa qodobadii ka soo baxay shirkii London oo aheyd wada hadal dhexmara Somaliland iyo Somliya, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu  yidhi, “ Waa tii shirkii London lagu go’aamiyey inay wada hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya markaa arrimahaa sidii loo dardargalin lahaa oo uu u suurto gali lahayd, ayaanu Madaxweyne Shariif ka wada sheekaysanay kulankayagu waxa uu ahaa kulan shakhsiya.”
Faysal Cali Waraaabe waxaa uu sheegay in uu hogatusaaleyey Madaxweynaha wakhtigiisu sii dhamaanayo ee dalka Somalia inaanay dawladiisu majaro-habaabin jawigii uu ku qabsoomi lahaa wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somalia.
Eng. Faysal wuxuu sheegay inuu shariif u soo jeediyay in laga saaro wada hadaladda labada xubnood ee Puntland ee uu ku soo kordhiyay Gudidii wada hadalka.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inuu kulankaasi ku dhamaaday is af-garad oo ay isla qaateen Madaxweynaha dawladda TFG-da inuu tixgelinayo tabashada Somaliland isla markaana aan lagu dirqiyayn wax aanay ogolayn.
Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan qaadacday wada hadalkii dhex mari lahaa Somalia, ka dib markii ay ku eedaysay Sh. Shariif inuu carqaladeeyay jawigii uu ku qabsoomi lahaa wada hadalkaasi oo uu ku soo daray laba xubnood oo ka soo jeeda Puntland, kuwaas oo caqabad ko noqday inay kulmaan labada dhinac gudiyadii ay saareen dhowaan.
Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay sidoo kale la kulmeen Sheekh Shriif xubno ka socda xisbiga kale ee mucaaridka Somaliland ee UDUB, kuwaas oo ku sugan dalka Imaraadka carabta, balse lama oga waxyaabaha ay kala hadleen madaxweynaha dawladda taagta daran ee Somalia.
Waa markii u horaysay ee hogaamiye ka socda Somaliland la kulmo Madaxweyne Shariif oo ah Madaxweynaha Somalia ilaa inta la ogyahay. Shirkii London 23 Feb, 2012 ayay ahayd markii u horaysay ee tan iyo intii ay Somaliland jirtay madal ku kulmaan Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Somalia. kadib markii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo meesha ka saartay qodob hore golayaasha sharcidejintu sanadihii dhawr iyo sagaashankii meel mariyeen oo ahaa inaan fagaarayaasha siyaasada ee lagaga hadlayo arrimaha Somalia iyo shirarka laga qaybeglin, balse shirka London ayaa ahaa mid ka duwan arrimahaa, kaas  oo aan Somalia  dawlad loogu soo dhisayn, isla markaana ka qaybgalkii shirkaa ee Somaliland ayaa albaabada u furay weji siyaasadeed oo ay suurta gal tahay inay Somaliland ku naajaxdo, waxaana shirkaa London markii u horaysay beesha caalamku gaar uga saartay Somaliland Soomaaliyada dagaalada iyo fowwdadu hadhaysay kow labaatankii sanadood ee u danbeeyay, iyadoo qodobada shirkaa kasoo baxay ay ka mid ahayd inay mustaqbalkooda siyaasadeed ka wada hadlaan Somaliland iyo Somalia, wada hadaladaa oo ay xudun u tahay 1960. Markii ay mid walba xoriyadeeda u qaadatay gaarka ka hor intii aanay midoobin labadaa dal.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *