Hargeysa (ANN) Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland iyo Wasiirka caddaaladda ee aan weli xilka wareejin ayaa jawaabo iska soo horjeeda kusoo  khatimay Shir-weynihii Caddaaladda iyo dibuhabeynta garsoorka Somaliland oo maanta lagu soo gabagabeeyey

Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, iyadoo  xidhitaankii shirka laga dareemayay loolan u dhexeeya Hay’addaha garsoorka iyo wasaaradda Cadaaladda. Kadib markii mudadii uu socday shirku oo saddex maalmood ahayd lagu soo bandhigay warbixino si weyn u iftiiminaya mushkiladaha ka haysta bulshada garsoorka iyo cadaaladda.
Hase yeeshee loolanka Hay’addaha garsoorka iyo cadaaladda ayaa saamayn ku yeeshay natiijadii la filayay inay kasoo baxdo shirkaa oo laga soo saaray qodobo kooban oo tilmaamaya meelaha u baahan in wax laga qabto marka ay noqoto garsoorka iyo cadaaladda dalka.
Gudoomkiyaha Maxkamdda sare Maxamed Xirsi Oomane oo ka hadlay gebagebadii kulankaa ayaa gaashaanka ku dhiftay gebi ahaanba dhaliilaha loo jeediyay waaxda garsoorka, wuxuuna meesha ka saaray inay wax dhaliil ah ku leeyihiin tabashooyinka cadaalad-darada ee lagu soo bandhigay mudadii uu socday shirku, isagoo arrintaa eedeeda ku riixay Hay’addaha kale ee xukuumadda ee ay wada shaqayntu ka dhaxayso.
waxaanu ka waramay  sida uu ugu farax san yahay nuxurka qodobadiika soo baxay shirkaasia muddadii uu soccday iyo inaanay icidina iga badhooda garsoorka si gaara wax dhaliil ah ugu soo jeedin waa asida uu hadalka u dhigay e.

“Garsoorku malaha dhaliilaha halkan laga sheegayay, Shirciguna maaha wax si fudud loo badeli karo,  waayo qof waliba aqoon buu u leeyahay qawaaniinta dallka u taalla.waanad ogtihiin oo mabaadiideenu waxay ku fadhidaa Diinteena suuban iyo dhaqanka toosan ee Islaamka”

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland waxa uu sheegay in Bahda garsoorka iyo Maxkadadaha oo  shirka si balaadhan uga soo qaybgalay loo baahanyahay inay  garsoorayaashu ogaadaan in  Dacwaddu leedahay nidaam aan la dhaafi Karin. Sidaa awgeed ay raacaan nidaamka garsoorka.
Mr. Oomane waxa uu sheegay in uu Illaahay Umaddiisa ku canaantay aqoon darada  iyo Jahliga sidaa darteed waxa uu soo jeediyey inay aqoon u lahaadaan bahda Garsoorku shaqada ay gacanta ku hayaan ee arrimaha cadaaladda.

Laakiin wuxuu gaashaanka ku dhuftay  dhaliisha ugu badan ee loo soo jeediyey bahda garsoorka ee uu madaxda ka yahay, taas oo uu sheegay  inay ka masuul yihiin, waaxda fulinta iyo  Golayaasha Baarlamaanka,  “go’aankii aanu gaadhnay waad ogtihiin inaan la fulin anaagana gaar ahaan canaan nalooma soo jeedin” ayuu yidhi Oomane.
“waxaa aniga xaq laygu leeyahay in lay waydiiyo xabsiyada iyo garsoorka wixii ka jira taana xaqbaan u leeyahay, Qodobka sharciga ah haddii aannu danta guud ka horumarinayno iyo siyaasadda qaranka waanu khilaafnaa, sharciga ayaa noo oggol,” ayuu yidhi Guddoomiye Oomane.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland  ayaa u  mahadnaqay masuuliyiinta Wasaaradda Caddaaladda ee xilka wareejinaya oo uu sheegay inay si fiican u wada shaqeeyeen mudadii ay joogeen.

Hase yeeshee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaaladda Prof. Ismaaciil Muumin Aare oo ka hadlay xidhitaanka shirkaa ayaa jawaab ka bixiyay weedhaha gudoomiyaha maxkamadda sare, isagoo   yidhi, “Mudane Guddoomiye shirkani waxa uu ka dambeeyey annaga oo fulinayna baaqii Madaxweynuhu ku bixiyey in la qabto shirweyne qaran oo bahda caddaaladdu isugu timaado, arrintaasi ayuu shirkani ku qabsoomay. Waxaad moodaa khudbadii Madaxweynaha markii aynu dhegaysnay in ay dareen wayn ina gelisay, waxay ina tustay in sharciga iyo garsoorku halka uu dalka ka joogo, waxaanad moodaa in la dhaliilay oo waajibkeenu yahay sidii aynu u toosin lahayn,” ayuu yidhi Prof. Aare.

“20 kii sanno ee tagay haddii aynu wixii kale oo dhan ka dhisnay waxa la gaadhay wakhtigii dawlad-wanaag iyo caddaaladda, dimuqraadiyadda lama fulin karo, sharciga iyo kala dambaynta lama qaban karo haddii aan la helin caddaalad. Dawlad wanaaga aynu u socono qofna looma jeedo hay’addna looma jeedno ee waa dawladnimo la wada doonayo, dhaca iyo qabiilka socda waynu la wada soconaa ee waxba yeynaan kiiska iska waalin.”
Prof. Muumin Aare  waxa uu sheegay in shirkan oo socday muddo saddex maalmood ah, isla markaana ay kasoo  qabygaleen 160 xubnood ay kasoo baxday daraasad muhiim ah.
“Shirkan anigu waxaan isleeyahay guulo badan ayuu gaadhay, anigu 11 bilood oo aan wasaaradda joogay garsoorka iyo caddaaladdu shir ay isugu yimaadaan waa kii u horreeyey ee la isugu yimaado, garsoorku iyagoo qiiqaya ayuun baan imi biyo wax walba ku shubay oo waan u taagwaayey, haddana midkaayana maanu fadhiyin ee waanu shaqaynaynay, laakiin alxamdullilaah maanta waanu isku nimi oo waanu wada joognaa.”
“Shirkan waxa ka soo baxay wixii Madaxweynuhu inaga dalbaday oo ah tallooyin qorshaysan oo muddaysan oo xallaal ah, waxaana laga soo saari doonaa buug ay ku dhan yihiin wixii lagu xallin lahaa dhibaatooyinka caddaaladda oo aannu u gudbin doono Madaxweynaha, sidaa daraadeedna Madaxweynuhuna uu caalamka u gudbin doono si wax la inoogala qabto,” ayuu yidhi Prof. Muumin.
Wasiirka cusub ee Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ay isaga nasiib-wanaag u tahay inuu xilka wasaaraddiisa la kowsado shirweyne lagu hagaajinayo caddaaladda dalka oo uu ku tilmaamay shaqo loo fududeeyey.
“Waxa shirweynahan ka soo baxay oo aynu maanta halkan ku ansixinay oo aynu isla qaadanay dhukuminti ka kooban toban qodob oo laga diyaariyey istaraatijadii caddaaladda oo ay weheliso qorshe-hawleed, markaa waxay noqonaysaa in xukuumadda la hordhigo oo loo dhaqaaqo fulintiisa.”
Gebogabadii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Cirro), ayaa hadal kooban ka jeediyay madasha, isagoo yidhi, “Waxay ila tahay garsooruhu maaha ninka maxkamadda fadhiya, laakiin nin waliba waa garsoore oo qof waliba waxa uu masuul iyo garsoore ka yahay shaqadiisa, maxkamaddu waa meesha ugu dambaysa, haddii aynu hagaajino qof waliba xilka garsoornimo ee uu hayo, waxaan filayaa in caddaaladda guudna hagaagi karto.”
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in qodobada ka soo baxay shirkani uu yahay faa’iido muhiim ah, “Shir-hawleedkan waxa inooga soo baxay qorshe hawleed iyo istaraatijiyad aynu ku hawlgeli karno.
Waxaannu ka codsanaynaa deeqbixiyayaasha iyo hay’adda UNDP inay noo dedejiyaan miisaaniyadda qorshayaas lagu maalgelinayo si loo dedejiyo fulintiisa,” ayuu yidhi Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland.

Dhinaca kale shirkan oo furitaankiisii qudbad uu ka jeediyay Madaxweyne Siilaanyo ku qiray dhibaatada bulshada ka haysta garsoorka iyo cadaaladda, isla markaana lagu soo bandhigay warbixino daaha ka fayday heerka ay maray cadaaladda Somaliland ee dhinaca Hay’addaha garsoorku iyo tayada garsoorayaasha  ayaa la filayay inay kasoo baxaan qodobo si weyn loogu lafa guray dhaliilahaa iyo sidii wax looga qaban lahaa. Laakiin waxa uu shirku kusoo beegmay xili wasiirka iyo Agaasimaha wasaaradda cadaaladda laga bedelay wasaaradda,taas oo saamayn ku yeelatay hasha shirkaa,   isla markaana warbixinaha dhaliilaha xanbaarsan ee lagu soo bandhigay furitaankii shirka ayaa weji gabax ku noqday masuuliyiinta waaxda garsoorka iyo garsoorayaasha ka qaybgalay, kuwaas oo gaashaanka ku dhiftay nuxurka ay xanbaarsanaayeen warbixinaha loo qaybiyay ka qaybgalayaasha.
Arrimahaa iyo mushkilado kale oo dul hoganayay shirka mudadii uu socday ayaa saamayn ku yeeshay natiijadii la filayay inay kasoo baxdo, iyadoo ay habacsanaan iyo qarba qarbo ka muuqatay, maadaama uu shirkan oo mar hore dib u dhac ku yimi soo jiitamayay mudo, taas oo u muujisay ujeedada laga lahaa shirka iyo ahmiyada uu xanbaarsanaa mid aan ka turjumayn jedwalka loo qorsheeyay qaabkii loo shaxeeyay   iyo sidii loo maamulay ee uu ku dhamaaday oo ka dhigtay shirka mid qarsoodi ah, iyadoo aanay warbaahintu waxba kala socon ajandaha shirkaa ee furitaanka iyo xidhitaankiisa midna.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *