kasoo baxay xaiiska Madaxweynaha oo uu ku saxeexanyahay Af-hayeenka Madaxtooyada ayaa u qornaa sidan:- Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne ku magacaabay gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka.
Waxaanu madaxweynuhu ku yidhi Digreetadiisa:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tixgeliyey: Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda,
Markuu Aqoonsaday: Baahida wayn ee loo qabo buuxinta hawsha jagadan Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka,
Markuu ku Qancay: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu Isku Qanciyey: In uu hanan karo xilka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka.
Wuxuu Go’aansaday
In Mudane, Yuusuf Ismaaciil Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayaa lagu yidhi qoraalka. Madaxtooyada.
Dhinaca kale Markii Madaxweynuhu sheegay inuu xilkii ka qaaday gudoomiyihii hore ee maxkmadda sare 21 Jun, waxay shebekada Araweelonews heshay xogo sheegaya Gudoomiyaha maxkamadda sare Madaxweyne Siilaanyo u magcaabayo Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, taas oo shebekadu si kooban ugu baahisay xirfadiisa shaqo iyo aqoontiisa Garyaqaanka la filayo inuu magcaabo Madaxweynuhu.
Dr. Yuusuf oo ah garyaqaan si madaxbanaan ugu shaqaysta xirfadiisa shaqo, isla markaana xilal kala duwan kasoo qabtay garsoorka Somaliland tan iyo 1992, isagoo Garyaqaan Yuusuf ka qalin jebiyay jaamacaddii Ummada Soomaaliyeed ee Gahayr 1988, isla markaana garsoore kasoo noqday Maxkamadda gobolka Hargeysa, Maxkamadda Rafcaanka ee Hargeysa iyo meelo kale ka hor intii aanu istiqlaalid dhiibin sannadkii 2002. Geeridii Madaxweyne Cigaal Kadib markii ay xukuumaddii Rayaale fara gelin ku samaysay garsoorka Somaliland. iyadoo lagu tilmaamo Garyaqaan Yuusuf shaqsiyaadka ugu nadiifsan dhinaca dadka ka hawlagala garsoorka Somaliland, isla markaana xirfad aqooneed iyo waaya aragnimo u leh shaqada garsoorka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com