images/stories/dubaabadaha ethopia.jpg Beledweyn(ANN)Deegaannka Kala-beydh ee gobalka Hiiraan oo dhinaca Woqooyi 24-km kaga beegan magaalada Beledweyne ayaa maata galinkii hore waxaa soo gaadhay ciidamo Itoobiyaan ah oo ay weheliyaan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Ciidamada Itoobiya ayaa wararkii ugu danbeey

sheegayaan in ay halkaas ku sugnaayeen qadar saacado ah, kuwaas  oo mudo yar ka dibna  dib ugu laabtay  goobihii ay ka soo kicitimeen. Xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka taliya goballka Hiiraan ayaa iyaguna wax yar ka dib gaadhay goobtaas, balse may dhicin  wax iska horimaad ah oo dhaxmaray ciidamada Itoobiya oo weheliyaan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Xarrakada Al-shabaab.

”Waxaan arkay ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gadiidka dagaallka isku fidiyay is-gooyska Kala-beydh,  qaarna gadiidka ayeey joojinayeen,” ayuu yidhi mid ka mid ah darawalada gadiidka xamuulka ah oo ka mid ah dadka deegaanka

Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa maanta markii uu soo baxay warka ku saabsan in ciidamo Itoobiyaan ah inay soo gaadheen deegaannka Kala-beydh wal wal iyo cabsi ka muujiyay  sida ay xaaladu isu bedali karto.

Dhinaca kale maanta salaadii Jimcaha kadib ayaa saraakiil ka tirsan Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee magaalada Beledweyne waxay  dadka masaajidada uga baaqayeen ka qeyb-galka wax ay ugu yeedheen ”Jihaad ka dhan ah Cadowgga” iyo waliba in ay dhalinyarradu isa soo diiwaan galiyaan, si ay uga qayb qaataan dagaalka.
Sidoo kale  Wararka ka imanaya magaalada Dhagaxbuur ee Kililka shanaad ee Somalida Ethopia  ayaa sheegaya in duleedka Magaalada Dhagaxbuur ay ku sugan yihiin Dabaabado ay leeyihiin Ciidanka Itoobiya (Iihaadhig). Dabaabadahaa oo ah kuwo cusub ayaa tiradooda lagu  sheegay ilaa 9 Dabaabadood oo nooca dagaalka ah iyo ciidamo wata gaadiid kale oo kala duwan.
Ilaa iyo hadda lama sheegin waxa loo keenay Dabaabadan dagaal magaalada Dhagaxbuur iyadoo wakhti toddobaad ahba ay yaaleen Dabaabadahani magaalada, balse wararka la isla dhex marayo ayaa sheegaya in Dabaabadaha loo isticmaalayo haddii ay Itoobiya mar kale gasho Somaliya oo mudooyinkii u danbeeyay uu Ra’iisal Wasaare Malas hadal hayay in uu gali doono Somaliya haddii loo baahdo Ciidan taakulayn ah oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo sida uu sheegay taageeraya ciidamada halkaa ku sugan iyo dawlada somalia .
Shacabka magaalada Dhagaxbuur ayaa aad uga argagaxsan Dabaabadaha la keenay magaalada, iyagoo ka cabsi qaba in xitaa Dabaabadahaa ay u isticmaali karto Itoobiya ladagaalanka Jabhadda ONLF oo dagaallo ka wada meelo kamid ah Degaanka.
Dhanka kale meelo kale oo Degaanka kamid ah ayaa iyagana laga soo sheegayaa in Dabaabado noocan oo kale ah la geeyay, iyadoo wali aan war rasmi ah laga hayn waxa loogu talagalay Dabaabadahan iyo hawsha ay qaban doonaan.
Marka laysku soo ururiyo dhaqdhaqaaqyadan ciidanka Ethopia ayaa u muuqda kuwo iftiiminaya inay ciidamadeedu mar kale galaan gudaha Somalia, iyadoo dagaaladii maalmihii u danbeeyay ka socday magaalada muqdisho ay Kooxda Al-shabaab ku sheegatay guulo, isla markaana ay jiraan astaamo muujinaya in ciidamada ajaanibka ah eek u sugan halkaa iyo  kuwa  dawladaba la geliyay khatar oo ay kooxaha dagaalka kula jiraa u awood sheegteen.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *