Muse Biixi1Hargeysa(Araweelo News Network) Guddoomiyaha xisbul xaakimka Kulmiye Muuse  Biixi Cabdi, ayaa sheegay in axsaabta mucaaradku sheegeen wax aan heshiis lagu ahayn, wuxuuna ku tilmaamay niman

 

wixii laga wadahadlay ee lagu heshiiyay wax ka duwan sheegay.

Guddoomiyahe Muuse  oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay inay xisbiyada qaranku  ku heshiiyeen Khamiistii doraad inay ka wada hadlaan  doorashooyinka iyo siyaasadda arrimaha dibada, balse aanay isla soo qaadin qabashada shirka Talo-qaran.

“Annagu Waxaanu ku heshiinay shirkii saddexda xisbi Qaran inay arrinta si waaqici ah uga wada hadleen sida ictiraafku ku imanayo iyo maxaynu doonaynaa, markaa shirkani waa saddexdii xisbi qaran oo wada tashanaya, markii aanu doodnay waxaanu ku heshiinay saddex qodob oo kaliya, wixii saddexdaa qodob ka baxsan qolo waliba waxay ku hadashaa waa fikirkeeda. Qodobka u horeeyaa waa inaynu wadahadallo oo meel dhexdhexaad inoo ahi shirka noo qabato, meeshaasina waa Akadamiyadda” ayuu yidhi Gudoomiyaha Kulmiye.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay labada qodob ee rasmi ahaan ay ugu heshiiyeen axsaabtu, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Waxaanu ku heshiinay inaanu ka doodno wax alaale iyo wixii ku saabsan doorashada, maxaa ka dhiman doorashada, maxaa ka dhiman diwaangalintii, qodobbadaa inaanu ka doodno oo aanu is waafajino ayaanu isku raacsanahay asxaabta iyo Qodobka kale aanu ka heshiinay oo ah  arrimaha dibadda iyo ictiraaf raadinta” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Hase yeeshee isagoo ka hadlaya sababta ku kaliftay inuu uga hadlo arrintaa, waxa uu sheegay in Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe si kale uga hadlay wixii lagu heshiiyay, isagoo yidhi, “Shalay waan dhageystay Guddoomiyaha UCID, Faysal rayiyada uu qabo waa kuwo ku kooban UCID, lama qabno, kamaanu wada tashan, annaguna waxaanu qabnaa mid ka soo horjeeda 100%” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “22-kii sanadood sidii Burco loogu wada hadlay dib looma wada tashan ee waa markii u horeysay, taa annagu ma qabno ee waanu ka duwanahay, lamana qabno dood qaran ama shirka qaran ee uu sheegay” ayuu yidhi.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa kusoo beegmay kadib markii Garyaqaanka Guud ee qaranka Ibraahin Iidle ku tilmaamay heshiishka axsaabta qarnaka mid aan sharci ahayn, isla markaana aanay awood u lahayn in ay qabtaan shirarar iyo doodo qaran, taas oo uu ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn sharciga iyo Dastuurka Dalka u yaal.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *