Hargeysa(Arraweelo News) Wasiir-kuxigeenkii hore ee Ganacsiga Aadan Diiriye Cigaal (Geeljire) oo ka mid ah xubnihii golaha wasiirrada Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday. Kadib markii maalmihii lasoo dhaafay

isku shaandhayn balaadhan, magcaabis iyo xil ka qaadis kusoo saaray digreeto Madaxweynaha Somaliland ayaa ku dareen celiyay arragtidiisa mudadii uu golaha wasiiradda ee xukuumadda ku jiray iyo waxyaabihii uu ka arkay.

 

“Horta Aniga xilka waxa layga qaaday maalintii Badhasaabnimada Sanaag layga beddeley,  Magcaabistayda Wasiir ku-xigeennimadu waxay ahayd mid aan Madaxtooyada kasoo bixin oo aan Maxamed Nuur Carraale Duur (Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha) dhaafsanayn, sababtoo ah waxa  lay odhan jirey Duur baa ku magcaabay Afartii bilood ee aan wasiir ku xigeenka ahaana Mushaharkaygu wuxuu ahaa hana dhiman,  hana noolaan. Markii aan gaadhi in lay siiyo dalbaday,  waxa laygu yidhi, “waa lagu dallacsiiyeye maxaad Baabuurka ku falaysaa”  ugu danbayntiina  bishii inna dhaaftay wasiirkii ganacsiga ayaa jeebkiisa iiga soo Amaahday Gaadhi,  taasina waxay  ii caddaysay  hadalkii ahaa Duur baa ku magcaabay oo Markii Duur la Eryeyna waxa la yidhi Qori iyo Qudhaanyadiisa waa laysku Tuuraa,  Markaa aniga ta dhacday Maanta culays iguma hayso waanna ku qanacsanahay”. Ayuu yidhi Geeljire.

 

 

Sidoo kale waxa uu ka hadlay mudadii uu ka mid ahaa golaha wasiiradda waxyaabaha uu kala kulmay, isagoo yidhi, “Waxa jirta caddaalad-darro wasiirrada dhexdooda ah oo aan oggaadey muddadii koobnayd ee aan golaha Wasiiradda  ku jirey,  wasiirrada shilis iyo wasiirrada caatada ah oo qaarkood iyadoo madaxweynuhu fadhiyo odhanayaan anigoo Afka Madaxweynaha ku hadlaya waxan magcaabay guddiyo iwm.

Qaarkoodna sida Libaax raq haysta u fadhiyaan,  qaarkoodna sidii Dawaco habar dugaag raq laga weerayo siday Isha midhigta u hayaan oo u eeggayaan shirka la xidho,  caddaalad-darradaasina waa waxyaabaha ctiraafka loo la’yahay wax shaqo qaybsi ahina kama jiraan ee waxa laysku wada haystaa intooda badan, iyadoo aan la kala garanayn shaqadii iyo masuul walba shaqadiisu waxa ay tahay  (Job description),  qaarkood shirarkaba kamasoo xaadiraan,  qaarna saacad hadday maqnaadaan ganbaleel laga daba garaacayo” sidaa waxa yidhi Wasiir ku xigeenka Xilka laga qaaday oo arrimaha uu la kulmay mudadii uu ku jiray xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo dareenkiisa xilka laga qaaday uga waramay Weriyaha Wargeyska Waaheen ee Ceergaabo.

Wasiir-kuxigeenkii hore ee Ganacsiga Aadan Diiriye Cigaal (Geeljire) oo ka hor inta aan xilkaa laga qaaday hada loo magcaabin ahaa Badhasaabka Gobolka Sanaag, waxa uu sharaxaad kooban ka bixiyay qaabka loo magcaabo masuuliyiinta iyo waxyaabaha lagu tixgeliyo, isagoo yidhi,”Anigu Nin Aqoonyahan ah oo mudo ku siman labaatan sannadood  kasoo shaqaynayay Hay’addaha Caalammiga ah ayaan ahay,  Aqoontana shahaadada 2-aad ayaan haystaa. laakiin Nin Aan Arraweelo wadin ama Odayaal deegaan keenin halkan (Madaxtooyadda Somaliland) masoo galo.  Aniguna wax dan ah kama lihi maanta in xilka layga qaado oo waan ku faraxsanahay” ayuu yidhi Aadan Geeljire.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *