Muqdisho(ANN)Ciidamada waddanka Ethiopia oo  ku hubaysan taangiyo iyo gaadiidka gaashaaman ayaa ka gudbay soohdinta Soomaaliya, iyagoo fadhiisimo ka samaystay badhtamaha magaalada Gur – Ceel ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale kolanyooyin ciidamadda Ethiopia ah ayaa lagu arkay

 

Magaalada Beledweyne ee Somalia, kadib markii kulan toddobaadkii hore ay magaalada Addis Ababa ku yeesheen wasiirrada gaashaandhiga dalalka IGAD lagu go’aamiyey in ciidanka Itoobiya galaan Soomaaliya.

Dad goob joog ah ayaa sheegay inay arkeen ciidanka Ethiopia oo saldhig ka sameystay duleedka magaalada Gur Ceel oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya , kuwaas oo wadahadal layeeshay markii ay shalay gaadheen halkaa  maliishiyada Ahlu Sunna ee dawladda taagta daran ee  Soomaaliya taageersan oo gacanta ku haya qaybo yar oo ka mid ah deegaankaa. Wararka qaar ayaa sheegaya in wadahadalada labada dhinac ee Ciidamada Ethiopia iyo wadaaddada Ahlu sunna wal jameeca nuxurkoodu yahay sidii weeraro wadajir ah loogu qaadi lahaa xarakada Al-shabaab oo ka taliya inta baddan deegaamada Somalia.
Bishii la soo dhaafay ayaa Kenya waxay ciidamo gelisay gudaha Soomaaliya,  kuwaas oo ay sheegtay inay ujeedadoodu tahay sidii meesha looga saari lahaa Xarakada  Al-Shabaab ee ganacta ku haya inta baddan Somalia. isla markaana u awood sheegatay dawladda taagta daran ee Somalia.

Gelitaanka Ciidamadda Ethiopia ayaa la rumaysan yahay inuu qayb ka yahay dagaalka Kenya doonayso in lagu qaado xarakada Al-shabaab. Maaha markii u horaysay ee Ciidamada Ethiopia galaan gudaha Somalia tan iyo intii ay burburtay dawladii jamhuuriyadii Somalia 1991-kii, balse duulaankii ugu weynaa ee ay ku galeen Somalia ayaa ahaa sanadkii 2006. Kadib markii kacdoonkii Maxkamaddaha Islaamiga ah ee taageerada ka helay shacabku, taas oo  meesha ka saartay  hogaamiye kooxeedyadii awooda badnaa ee ka talinayay magaalada Muqdisho iyo deegaamada kale.

Hase yeeshee Maxkamaddihii Islaamiga ahaa ee xiligaa oo lix bilood si weyn xaalada amaanka iyo kala danbaynta Somalia gacanta ugu dhigay waxa meesha ka saaray weerar ay Ciidamadda Ethiopia ku qaadeen, taas oo soo dedejisay fashil ku yimaada kacdoonkii wadaadada  maxkamadda. Kadib markii taangiyada Ciidamadda Ethiopia markii u horaysay gudaha u galeen magaalada caasimada ah ee Muqdisho, iyadoo dagaalo badani dhex mareen Ciidamadda Ethiopia iyo wadaadadii maxkamaddaha. Laakiin sannadkii 2009 ayay Ethiopia Ciidamadeeda kala baxday Somalia. kadib markii khasaare weyn iyo guuldaro ay kala kulantay. Kadib markii maxkamaddihii Islaamiga ahaa taageero ka heleen kumaan dhalinnyaro Soomaaliyeed oo qurbaha ka tegey si ay dagaalka uga qayb qaataan.
Xarakada Al-shabaab oo kasoo dhexbaxay dagaalka ciidamadda Ethiopia la galeen Maxkamaddihii xiligaa ee Somalia ayaa  u diiday inay cageheeda isku taagto dawladda taagta daran ee Somalia. kadib markii ay dagaal la galeen ciidamada ka yimi Uganda iyo  Burundi  oo taageeraya kuwa dawladda Somalia, kuwaas oo tan iyo markii ay ciidamada Ethiopia ka bexeen halkaa ay dagaal kula jireen. Dadka siyaasada Somalia saadaaliya ayaa tilmaamaya in  duulaanka ay mar kale Ethiopia ku gasho Somalia uu noqonayaa mid ay taageero ku helaan xarakada Al-shabaab oo ay adagtahay inay meesha ka baxaan. 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *