Hargeysa(ANN) Guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka ee talada dalka haya ee KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hankiisa siyaasadeed ee la xidhiidha  inuu isu soo taago xilka Madaxwaynenimo ee Somaliland ee shanta sanadood ee soo socda.

 

Muj.  Muuse  Cabdi waxa kale oo uu ka hadlay xilka iyo awooda Chief Of Cabinet-ja Madaxtooyada Somaliland, oo  ah magac ay saxaafdu ku dawakhday. Kadib markii uu madaxweyne Siilaanyo umagcaabay  xilkaa Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaanu sheegay in aa nu lahayn awood aan ahayn ta Madaxwaynuhu u igmaday oo ah xoghayntiisa.
 
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo uu sheegay inuu hadda marayo halkii ugu saraysay, dawladuna ku dadalayso inay sii adkayso xidhiidhka ay la leedahay Itoobiya iyo wadamada kale ee Somaliland
 
Md Muuse Biixi Cabdi oo shalay u waramay telefiishanka madaxa banaan ee HCTV, ayaa isaga ugu horeyn ka hadlaya awooda Chief Of Cabinet-ka ayaa waxa uu yidhi “Awoodo qoraal ah, Chief-ka qolo waxa ay tidhaahdaa Agaasime, Xoghaye madaxweyen ayaa la yidhaahdaa, lakiin dadka qaar baa u haysta in Chief Cabinet-ku uu hogaamiye u yahay golaha wasiirada, waar maaha, wasiiradu dastuurka ayay ku yaalaan waxaanay la shaqeeyaan madaxweynaha, ninkani waa nin kaalin talo leh, qoraal uu madaxweynuhu qoray oo uu awood dheeraad ah ku siiyayna maynaan arag, markaa eragay Chief of Cabinet wadamo badan oo kale sida ay u isticmaalaan oo la soo xigtay ayaa ina geliyay sas badan, warbaahintuna si aad ah ayay wax uga qoreen malaha waxa wanaagsan in wax la hubsado’e, waa maxay xilka uu hayaa, muxuu qabtay, madaxweynuhu wuu u baahan yahay nin kaaliye ah oo taageera, ilaa hadda ninkaasi hawl qaran oo inti uu madaxweynuhu u igmaday oo xog hayntii madaxweynaha kumaynaan arag, walaa fagaare, walaa qoraal, walaa wax kale oo gacan buux ah kumaynaan arag, markaa waxa ay ila tahay yaan la sasine ha la is hubsado.”
 
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu ka hadlay hankiisa siyaasadeed ee la xidhiidha Madaxwayne uu isku soo sharaxo “Anigu waxa aan diyaar u ahay mar walba in hawsha ugu culus ee dalka iyo dadkuba u baahan yahay in aan isku dhigo oo aan qabto, kolba hawsha ugu culus ee uu qofku ka war-wareego ee ugu adag in aan qabto ayaan jeclahay, malaha taarikhduna taas way igu soo tijaabisay, aniga oo adiga oo ku le’eg ayaan u badheedhay in aanu dalkan xorayntiisa u so furno Ilaahayna wuu nagu soo guuleeyay, ragga badankiisu way dhamaadeene, waxaanan leenahay axdi ama heshiis rag badan oo in ay dalkan wanaag, xorriyad iyo horumar gaadhsiiyaan doonayay oo dhintay, haddii aanu wadadaa ka leexanana raggii dhintay ayaanu axdigii kaga baxaynaa, markaa in aan madaxweyne noqdo, markaa waxa aan qabaa in aan mar madaxweyne isu soo taago oo aan awoodeeda qabto oo aan dadka ku idhaahdaa hawshaas ma diin qaban karaa, waxa aan isleeyahay waa in aad taas ku fekertaa oo aad ku sii socotaa, maanta da’daydii iyo waayo aragnimadaydii waan is bidayaa laakiin dadka ayay u taalaa, dadka waxa aan waydiinayaa hawshaas ma idiin qaban karaa, mar in aan waydiinaya waan sugayaa haddii Ilaahay yidhaahdo iyaga ayaana ka jawaabi doona, xilkuna waxa uu ku wanaagsan yahay in  qofka loo garto, ee maaha  caadadan xun ee dimuqraadiyada ee ajaanibku inoo keenay.”
 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *