Muqdisho(ANN) Kulankii Baarlamaanka DKMG ee Somalia ayaa baaqday maalintii labaad, kaas oo la filayay inuu saaka qabsoomo. Kadib markii uu dib u dhacay sababo aan la shaacin maalintii shalay oo ay mudanayaashu u balansanaayeen inay mooshinka golaha horyaala cod u qaadaan,

kaas  oo nuxurkiisu aahaa inay Ogolaadaan in  kalsoonida lagala noqdo xukuumadda Cumar C/rashiid Sharmaarke, ama ay diidaan.
Hase yeeshee sida ay sheegayaan wararku saaka ayuu mar kale baaqday kulankaasi, iyadoo ay illaa xalay jireen kulamo gooni gooni ah oo ku saabsanaa arrimahaa khilaafka, kuwaas oo Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha mmid waliba dhiniciisa la kulamayay mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka, isla markaana  waxa jira in kulanku saaka suurta geliwaayay.  kadib markii uu gudoomiyaha Baarlamanka Shariif  Xasan Sh. Aadan  uu diiday inuu  qabsoomo kulanka   baarlamanku si codka loogu qaado xukuumadda Cumar Cabdi Rashiid.
Kulankan  mudanayaashu  ku yeelan lahaayeen  gurigii hore ee baarlamanka magaalada Muqdisho ayaa baaqday maalintii labaad , gudoomiye  xigeenka 1-aad ee Baarlamanka Cabdi Weli Muudey ayaa mudanayaasha u sheegay in maanta aanu  dhici doonin wax kulan ah, isagoo aan sababayn waxa baajiyay kulnka, taas oo keentay inay mudanayaal saaka u soo diyaargaroobay inay yimaadaan fadhigaa dib uga noqdeen  xarunta baarlamaanka. Kadib markii ay warkaa maqleen.
Inkasta oo ay jiraan dedaalo ay wadaan dawladaha IGAD iyo kuwa beeshaa caalamka oo doonaya in khilaafka raysalwasaaraha iyo madaxweynaha lagu dhameeyo wada hadal. Hadana talaabada lagu joojiyay kulanka baarlamaanka ayaa muujinay inay xaalada  khilaafka siyaasadeed hada u talawday Baarlamaanka iyo Ha’yadaha kale ee dawlada, isla markaana waxa muuqata inuu khilaafka kusoo biiray shariif Xasan oo hadda loo tirinayo inuu la saftay R/wasaaraha,  taas  oo iftiimisay  inay   Sedaxda mas’uul ee ugu sareeya  dowladda  taagta darani ay madaxa iskula  jiraan, isla markaana waxa aad u yar rajada laga qabo in khilaafka siyaasadeed lagu dhameeyo dhinaca sharciga, hadiiba uu qabsoomo kulanka Baarlamaanku, ama wada hadalo  laysku soo horfadhiisyo oo ay yeeshaan labada dhinac.
Si kastaba ha ahaatee waxa indhaha lagu hayaa xaalada khilaafka xiligan hadheeyay dawlada taagta daran ee ay illaaliyaan ciidamadda AMISOM, taas oo ay kooxaha kasoo horjeedaa kula jiraan dagaal xoogan, iyadoo meelo fara ku tiris ah ka talisa dawlada taagta darani Somalia waqtigan xaadirka ah.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *