Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inaan masuuliyiin ka wada tirsan xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) aanay isku khilaafin laalida diiwaangalintii cod-bixiyayaasha ee lagu galay

 

doorashadii Madaxtooyadda.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxa uu go’aan wanaagsan ku tilmaamay laalida diiwaangalintii hore, isaga oo ku baaqay in loo diyaar garoobo doorashada golayaasha deegaanka dalka oo la filayo inay qabsoomaan bisha afraad ee sanadkan 2012-ka.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye  waxa kale oo uu tilmaamay inuu dhageystay wasiirka wasaaradda duulista hawadda Md Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo afhayeenka Madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), isla-markaana ay taageereen go’aanka golaha wakiiladu ku laaleen diiwaangalintii hore, balse uu la yaabay halka warbaahintu ka keentay is-maandhaafka ay baahiyeen ee ku aadan laalida diiwaangalinta.
Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi oo shalay u waramay telefiishanka qaranka (SLNTV), oo arimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Doorashada waxa lagu gali karaa diiwaangalin la’aan”
Muuse Biixi waxa kale oo uu tilmaamay in go’aanka laalidu ahaa mid fiican “Markaa waa go’aan fiican in doorashadu wakhtigeedii qabsoonto.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaan saxaafadda ku arkayey xukuumadda ayaa isku khilaaftay iyo wasiiro ayaa isku khilaafay, waxaan leeyahay arintaasi waa khalad (Warka ay baahiyeen saxaafada maxaliga ahi), waan dhageystay wasiirka duulista hawada waanu taageeray saxaafaduna waxa kale ayay meesha ka keentay.”
Guddoomiye Muuse waxa kale oo uu tilmaamay “Shalay (doraad) afhayeenka Madaxtooyadu wuu taageeray, waxayna ila tahay waa ra’yi toosan, waxaana  leeyahay haloo diyaar garoobo doorashada golayaasha deegaanka.”ayuu yidhi

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *