Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa iska fogeeyay eedo la xidhiidhay inuu ka dambeeyay dhalinyaro xalay rabshado ka sameeyay xaflad lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa oo taageero loogu raadinayay furashada ururada
siyaasada.
Muj Muuse Biixi, waxa uu sheegay inaanu xisbigiisu shuqul ku lahayn kana dambayn rasbashado xalay ka dhacay xafladaasi waxaanu tilmaamay inuu ka xun yahay wixii ka dhacay madashaa oo ay ahayd fool xumo.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, wuxuuna ku dooday in xisbigiisu ay ka dhursugayaan tallo soo jeedinta Guddida qaran ee Madaxweynuhu arrintaa u xil saaray inay ka soo tallo bixiyaan in la furo ururada siyaasada iyo in kale. Muj. Muuse Waxa uu ammaan u soo jeediyay ciidammada Booliska oo tallaabo ka qaaday xubnihii dagaalka ka dhex abuuray kulankaa xalay.
Maxamed Cumar Carte, oo ka mid ahaa dadka soo qaban qaabiyay xafladii xalay ayaa BBC-da u sheegay in qaskii ay ka sameeyeen koox dhalinyaro ahi inay ka dambeeyeen xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE oo aanu magacaabin kuwa ay yihiin. Sidoo kale waxa iyaguna rabshadaa la xidhiidhay xisbiga Kulmiye muj. Ibraahin Dhega weyne iyo xubno kale oo xalay ka hadlay kulankaa.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com