OLYMPUS DIGITAL CAMERAHaergeysa(Araweelo News Network)Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) ayaa markii u horaysay dhagaysatay Dacwad ay Xukuumadda Somaliland kusoo

 

Oogtay Wargeyska maalinlaha ah ee Hubaal oo kasoo bixi jiray Hargeysa, isla markaana ahaa Wargeyska ugu Af-dheer waqtigan warbaahinta dalka.

Balse xukuumadda Somaliland xayiraad saartay dhowaad laba todobaad  12 Jun 2013, kadib markii Ciidamada Booliska oo xoog ku galay xarunta Wargeyska Hubaal la wareegeen. Sidaana lagu xayiray.

Dhagaysiga Dacwadan Wargeyska Hubaal oo maanta ka furantay Maxkamadda Gobolka Hargeysa, wax aka xaadiray Qareenada Wargeyska Difaacaya iyo Xeer ilaalinta oo ah dhinaca Dacwada Oogaysa.

Garsooraha gacanta ku haya Dacwadaa Cismaan Ibraahin Daahir (Cismaan Fanax) ayaa dhegeystay Eeda Xeer ilaalintu ku Oogayso wargeyska, iyagoo Qareenada Wargeysku difaaceen dhamaan Eedaymaha Xukuumadda oo ah sadex Eedaymood oo is barkan, kuwaas oo la xidhiidha warar cadadyo kala duwan lagu baahiyay wargeyska.

Garsooraha ayaa kadib markii uu dhegeystay bilawga Dacawada maanta labada dhinacba  fadhigii u horeeyay, wuxuu qabtay mudo kale oo fadhi danbe maxkamaddu ku  dhagaysanay Dacwada, taas  oo uu u mudeeyay 27-ka bishan, waqtigaa oo si rasmi ah dacwada loo guda geli doono.
Dhinaca kale Eedaha hore loogu gudbiyay Maxkamadda ayaa ahaa sadex eedood, balse Xeer ilaalinta ayaa soo kordhisay eedaha dacwada, iyadoo eedahaa oo ahaa sadex mid ka mid ah qoraalkeeda wax lagu soo kordhiyay.

Dacwada Wargeyska Hubaal oo Dhegeysiga ay ka qaybgaleen suxufiyiin ka socotay Hay’addaha kala duwan ee Waraabinta Somaliland iyo dadweyne kale ayaa si weyn indhaha loogu hayaa, iyadoo mudadii uu Wargeysku xayirnaa ay soo baxayeen baaqyo ka imanayay Hay’addo Caalami ah, Axsaabta Mucaaradka Somaliland iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada oo lagu dhaleecaynayay talaabada Xukuumaddu ka qaaday Wargeyska Hubaal, taas oo lagu tilmaamay mid baalmarsan Dastuurka iyo sharciga Dalka, isla markaana waxa xayiraadda wargeyska Hubaal kusoo beegantay iyadoo aan Hay’addaha sharciga iyo kuwa amaanka Somaliland meel u jihayn weerar laba Nin oo afka soo duubtay oo Hubaysan, isla markaana la ogaaday inay ka tirsan yihiin Ciidanka Booliska kusoo qaadeen xarunta wargeyska Hubaal April 2013, kaas oo dhaawacyo kasoo gaadheen Maareeyaha wargeyska Hubaal Maxamed jaamac Calooley.

Balse Hawl wadeenada Xarunta Hubaal ku guulaysteen inay qabtaan labadaa nin mid ka mid ah, kaas oo aan weli la hor keenin Hay’addaha Garsoorka, iyadoo aanay Masuuliyiinta Boolisku sheegin halka uu ku danbeeyay Ninkii labaad ee Weerarkaa ku jiray.

Si kasta ha ahaatee Hay’addaha Garsoorka Somaliland waxa looga fadhiyaa sidii ay Dacwadaa oo si weyn indhaha loogu hayo u waafajin lahayd cadaaladda iyo in aanay dhinaca Xukuumadda iyo madaxda danaynay ee dawlada  wax faragelin ahi kaga iman mudada dhagaysigu socdo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *