Cismaan Gacanlaw Fanaan Caan Ah Oo Ka Baxay  Bulshada Soomaalida Iyo Madaxtooyadda Somaliland Garanweyday Halka Uu Ka Dhacay Aaska Marxuumka GeeriyoodayHargeysa(Araweelo News Network) Marxuum Cismaan Maxamed C/kariim (Cismaan Gacanlaw) oo ka mid ahaa Fanaaniinta dhibada u taagtay fanka Soomaalida ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, Marxuumka ayaa

 

saaka lagu aasay Xabaalaha Naasa Hablood ee Bariga Magaalada Hargeysa, waxaana ka qaybgalay aaskiisa, Gudoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka, Xubno wasiiro ah, fanaaniin, Abwaano  iyo dadweyne tiro badan.

 

Marxuumka oo ay Taariikhda uu ku lahaa fanka ka warameen qaar ka mid ah abwaanada iyo hal abuurada Somaliland ayaa sheegay inuu fanka kusoo biiray bilawgii kontonaadkii, isla markaana uu kaalin mihiim ah kasoo qaatay sidii dhidibada loogu taagi lahaa fanka Bulshada Soomaalida.

 

Dhinaca kale Madaxtooyada Somaliland ayaa  dhanbaal Tacsi ah oo ay warbaahinta u dirtay ku sheegtay in Marxuumku ku geeriyooday Magaalada Burco.

 

Dhanbaalka Madaxtooyada Somaliland ayaa u qornaa sidan:-  “Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha madaxeynaha Jamhuurayadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda Fanka iyo Suugaanta guud ahaan meel ay jooganba isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid, ALLE ha u naxariistee MARXUUM, CISMAAN MAXAMED CABDIKARIIM (CISMAAN GACANLAW) oo ku geeriyooday Magaalada Burco Maanta 25/04/2013, laguna aasay.

 

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mida u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku.

 

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu Marxuumka ku tilmaamay Abwaan weyn oo taariikh ku leh Fanka iyo suugaanta Soomaalida kana mid ahaa dadkii fara ku tiriska ahaa ee Salka u dhigay fanka iyo suugaanta.

 

Madaxwayne ku-xigeenku ahna ku simaha madaxweynaha JSL, waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda Fanka iyo suugaanta, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN” ayaa lagu yidhi dhanbaalka tacsida ah.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *