Burco(ANN)Afar Qof ayaa ku dhaawacmay magaalada Burco maanta. kadib markii Askari ka tirsan Boolisku rasaas ku furray hawl wadeenada komishanka ee la doonayay in loo kala diro goobaha iyo muraaqibiinta oo soo buuxiyay duleedka iyo agagaarka xafiiska komishanka qaranka.

 

Afarta qof ee dhaacmay ayaa loola carary cusbitaalka magaalada Burco. Dad goob joog ah ayaa u sheegay Araweelonew in asakarigu rasaasta riday. kadib markii ay garaaceen boolisku nin dhalinyaro ah, taas oo ay dadku ka cadhoodeen.
Dhinaca kale dadweynaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa caawa cawayskii bilaabay inay sii galaan safaf dhaadheer si ay subaxnimada uga dhiibtaan codkooda. dadkaa ayaa ka cabsi qaba inay hadhaw waayaan meel ay ka codeeyaan, ama ay ku adkaato subaxnimada inay helaan fursad ay codkooda ku dhiibtaan.
Magaalada Burco, waxa labadii maalmood ee u danbeeyay ku qul-qulayay gaadiid iyo dad ka tegey magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, iyadoo qaar ka mid ah dadkii hore u joogay magaaladu usoo bexeen dhinaca magaalada berbera si ay uga codeeyaan doorashada, halka kuwo kale ay u baxeen deemaada dhinaca Miyiga.
Dhinaca kale magaalooyinka Hargeysa iyo  Berbera, ayaa dadka qaar caawa u hoydeen goobha codbixinta si ay subaxnimada u dhiibtaan codkooda. 
Doorashada subaxnimada loo dareerayo ayaa ah mid ka xamaasad iyo baaxad weyn doorashooyinkii hore, iyadoo aanay doorashadan oo kale dhicin wixii ka danbeeyay 2002, taas oo ay ku tartamayeen musharixiinta golayaasha deeganka ee dalka iyo ururada doonayay inay u gudbaan xisbiyo qaran, balse marka la eego doorashadan ayaa si weyn uga duwan doorashadii 2002.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *