al-shabaab1Caato(Araweelo News Network)Dagaal culus oo ay fooda is dareen Al-shabaab iyo ciidamada Ethiopia ayaa ka dhacay degaanka Caato ee xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana

 

wararka ka imanaya deegaankaasi sheegayaan in labada dhinacaba khasaare weyni soo gaadhay. Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab weerarka ku qaadeen saldhig ciidamada Ethiopia ku leeyihiin deegaankaa, isla markaana khasaare badan ay gaadhsiiyeen ciidamada Ethiopia oo ay ka dileen ku dhowaad 30 ka mid ah askartooda, balse iyaga dhinacooda khasaare sahlan soo gaadhay sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan xarakada Al-shabaab. Guddoomiyaha degmada Caato ee dagaalku ka dhacay Dubbad Xasan Cali ayaa sheegay in goor dambe habeenkii xalay la soo weerary magaalada, wuuxuna xusay in labada dhinacba khasaare kasoo gaadhay dagaalka, balse dhinacooda ay 28 ka dhinteen, laakiin aanay ogayn khasaaraha gaadhay Al-shabaab, taas oo uu sabab uga dhigay in ay qaateen maydadka kuwii ka dhintay oo ay ku qaateen gaadiidka ay wateen. Al-shabaab waxay dagaal kula jiraan ciidamada AMISOM ee taageera ciidamada Somalia, waxayna gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab deegaamo badan oo ka mid ah koonfurta iyo badhtamaha Somalia, iyagoo weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorshaysan ka fuliya gudaha magaalada Muqdhiso iyo deegaamada kale ee ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *