IMG_0038.jpgSaylac(ANN)Gudoomiyaha  Degmada  Saylac Maxamed Cumar Xaddi, ayaa sheegay in aanay weli waxba iska bedelin Deegaamada Abaartu ku habsatay ee xeebaha galbeedka Somaliland, isla markaana ay Ugaadha iyo Xooluhu weli dhimanayaan oo aanay Roobabka da’ay qaar ka mid ah

deegaanada Abaartu naafaysay, waxba ka bedelin dhibaatada ka taagan halkaa ee dadka xoolaha iyo Ugaadha.

IMG_0057.jpg
Gudoomiyaha Saylac Mr. Xadi, waxa kaloo uu ka warbixiyay Roobab xalay (habeen hore) ka da’ay meelo ka tirsan deegaamadaa oo uu sheegay inay khasaare geysteen, wuxuuna xusay in Degmada Lughaya ilaa sideed guri oo jiingado iyo carshaan isugu jira uu bur-buriyay Roobkaa oo sida uu xusay ahaa mid aan biyo baddan lahayn, balse dabayl watay. Wuxuuna sidaa ku sheegay waraysi uu siisay shebekadda Araweelonews oo khadka isgaadhsiinta kula xidhiidhay xalay.
IMG_0037.jpg“Meelaha Roobabku heleen, waaa qaar ka mid ah deegaanada Abaartu ka taagnayd, balse maaha Roobab waaweyn oo la sheego oo wax ka taraya abaarta iyo xaalada ka taagan deegaanka oo aan weli waxba iska bedelin, “Daad ayuun baa nasoo mara oo maantaba Gudoomiyihii Degmada Bond iyo xoghayihii  dawladda Hoose, ayaa daad ku qaaday dooxa Ceel-Gaal, waana kasoo badbaadinay illaahay mahadii . laakiin xaaladu weli way xuntahay oo abaartii way jirtaa, waxaana hada dhimanaya Ugaadhii markii ay xoolihii dhamaadeen.”
IMG_0045.jpgGudoomiyaha Saylac Maxamed Cumar Xadi, wuxuu isagoo ka jawaabaya caawimooyinka ilaa hada dadkaa deegaanka soo gaadhay, wuxuu yidhi, “Deegaanada qaarkood dhawr jeer ayaa dhinaca Somaliland wax uga yimaadeen, qaarkoodna laba, amah al mar, waxa iyana yimi Hay’adda Bisha Cas oo dadka deegaanka qaarkood u qaybisay shidaal si ay ugu isticmaalaan ceelasha Biyaha. Laakiin weli xaaladu way adagtahay, waxayna dadku u baahan yihiin Gurmad heer caalami ah.’ ayuu yidhi.
IMG_0043.jpg
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *