Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha urur siyaasadeedka DALSAN Ismaaciil Aaden Cismaan (Ismaaciil Yare),  ayaa xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo ugu baaqay inay sugto cadaaladda iyo garsoorka dalka, isla-markaana hoos u eegto dadka danyarta ah. Sidoo kale wuxuu

 

ugu baaqay Xisbiga Kulmiye ee muxaafidka ah iyo Xildhibaanadiisa inay mucaaradnimada u daayaan iyaga oo aanay isku darsan Muxaafadnimada iyo mucaaridnimadaba.
Ismaaciil Aaden Cismaan oo mar ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee ugu awooda baddan xiligii Xukuumaddii Daahir Rayaale, balse hada ah Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Dalsan oo dhawaan lagaga dhawaaqay Somaliland, wuxuu sidaa ka sheegay munaasibad  uu shalay ka hadlayay oo Ururkoodu ku qabsaday Hargeysa.
Gudoomiyaha Dalsan, wuxuu sheegay in Ururkoodu yahay mucaarad wa toosinaya, balse aanu u dhaqmayn sidii Xisbiga Kulmiye ee hada talada dalka hayaa u dhaqmi jiray markii ay UDUB dalka ka talinaysay, isagoo yidhi,  “Waxaanu jecelahay in cid kasta oo dawlada haysaa wanaagsanaato oo umadda kooda ugu sareeya iyo kooda ugu hooseeya ogaato, cadaaladda ku dhaqdo, wixii dadka u dhexeeyana ay ka urursanaato oo ay dadka cadaalad iyo sinaan ku dhaqdo”
Sidoo kale isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi,  “Noqon mayno sidii Kulmiye ahaa markii aanu UDUB ahayn ee ahayd dhac, dhimo, ka kac iyo ha-noolaan, anagu erayadaas  isticmaali-mayno oo waxaanu leenahay xukuumaddu ha noolaato, Illaahay  xaqqa ha tuso, cadaaladda ha ku dhaqanto, wixii ka khaldana waxaanu leenahay xukuumadda toosiya, waxaan  sidaa u leenahay kursigoo nabad-qabba oo xukuuumaddii naga horeysay wax qabatay inaanu ku gaadhno, laakiin haddii ay noqoto Dhac iyo dhimo, ma wixii dumay-baynu toosini, mise waxbaynu umadda u qaban”
Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Dalsan  Ismaaciil Aadan Cismaan oo la hadlaya Xisbiga xiligan talada dalka haya ee Kulmiye, wuxuu yidhi, “Waxaanad moodaa in booskeenii Mucaaradnimo ee aynu wax ka sheegi lahayn, wax aynu sheegnaaba inoo hadhin oo shaqadeenii ay qaateen , tii muxaafidnimadana ay qaateen. Xisbiga Kulmiye waxa uu  leeyahay mucaaradkiisa iyo muxaafadkiisaba oo isagaa isku filan, waxa aan leeyahay,  ama Mucaarad noqda oo nagu soo biira xildhibaanada iyo hogaanka Kulmiye ee hadlayow, ama Mucaaradnimada anagaa lehe noo baneeya, Mucaaradna ha isku noqonina haddii aad hogaankii Kulmiye tihiin iyo xildhibaanadiisii, oo dawladii aad shalay dhisateen ee aad nagu dileyseen ee aanu idinka Kaadji kari-weynay markaanu UDUB ahayn,  durba ha duminina ee wax la saxa oo wixii ka qaloocan u sheega.” Ayuu yidhi Ismaaciil Yare.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *