Ceergaabo(ANN) Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Qoyska Somaliland Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac ayaa sheegtay inay qaadayaan Olole soconaya laba todobaad oo la xidhiidha sidii kor loogu qaadi lahaa daryeelka xuquuqda Aadamaha, isla markaan loo yarayn lahaa tacadiyada

 

dhinaca Haweenka iyo kuwa laga tirada badanyahay ee qaybaha bulshada.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafada loo qaybiyay oo Wasiirku kasoo saartay magaalada Ceergaabo oo ay todobaadyadii u danbeeyay hawlo shaqo u joogtay. Qoraalkaa ayaa u dhignaa sidan:  “Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu iyadoo ay wada shaqaynayaan , hay’addaha kale ee dawliga ah , kuwa  Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa iyo ururada bulshada  waxay qaadi doonaan 16ka  cisho ee soo socda  olale lagu xoojinaayo dhawrista xuquuqda aadamiga iyadoo si gaar ah xooga loo saarayo in la joojiyo dhammaan tacadiyada ka dhan ka ah dumarka( 16 days activism on gender based violence(GBV).
Olalahaasi wuxuu bilaabmi doonaa maanta oo bishu tahay 26ka November waxayna dhammaan doontaa 10ka December 2011 oo ku beegan maalinta xuska xuquuqul insaanka dunida oo si wayn looga xusi doona dhammaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.
Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu waa Wasaaradda hormuudka u ah una qaabilsan qarankan Somaliland samaynta, horumarinta iyo dhaqan gelinta siyaasadda qaran ee lagu horumarinayo bulshada reer Somaliland sidoo kalena lagu difaacayo qaybaha bulshada ee nugul sida carruurta, dumarka, dadka da’da ah, kuwa lixaadka la’ ama maskaxda ka jirin, kuwa laga tirada badan yahay iyo dhammaan qaybaha bulsho ee u baahan fiiro gaar ah iyo daryeel intaba.
Waxaa kale oo Wasaaraddu ka shaqaysaa u doodista xuquuqda qaybaha bulsho ee u baahan in la difaaco danahooda iyo sidii bulshada ay ugu wacyigelin lahaa inay dadkaasi helaan xuquuqdooda iyo daryeel koodaba. Sidoo kale waxay wasaaraddu u xilsaanrahay soo saarista iyo hiregelinta shuruucda iyo xeerarka lagu difaacayo qaybahaas nugul ee bulshada kamid  ah.
Sidaas aawadeed Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu iyadoo qaranka uga masuul ah samaynta iyo ku dhaqanka siyaasadda lammaanaha ee Somaliland ( The Gender National Policy). Waxaana  wasaaraddu  ahmiyada koowaad siisay siyaasadda lammaanaha Somaliland  in la joojiyo oo la xakameeyo tacadiyada ka dhanka dumarka taasoo ku salaysan in la faro xumeeyo, in la jidh dilo, in la maskax dilo, in la bahdilo ama la niyad jebiyo, iyo in la yareeyo dhacdooyinka ka dhan ka ah xuquuqda haweenka sida kufsiga iyo dagaalka ka dhaca guryaha( reducing incidents of rape and domestic violence).
Siyaasadda lammaanaha Somaliland waxaa la sameeyey sannadkii 2008kii, waxaana horumarin lagu sameeeyey 2009kii, markii xukuumadda  KULMIYE oo gadhwadaha u yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo talada la wareegtayna waxay markiiba xoojisay oo ay dardar gelisay siyaasaddii lammaanaha. Waxaana xukuumaddu ku dhiirigelisay ururada bulshada, ururada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba inay wadashaqeyn sameeyaan oo la abuuro dallad ay ku midoobaan hay’daha ka hawl gala joojinta xad gudubyada ka dhanka ah dumarka( Gender Based Violence Working Group) taasoo ay hay’adda jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ee UNHCR ay hormuud u tahay.
Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu waxay kaloo bishii June 2011 ay samaysay dallada ururada ka shaqeeya joojinta gudniinka fircooniga ah ( FGM working group) oo ay xubno ka yihiin ururada haweenka ee ka hawlgala joojinta gudniinta fircooniga ee dallada NAFISa hormuudka u tahay.
Waxaana Wasaaraddu ka shaqaynaysaa sidii gebi ahaanba loo joojin lahaa isticmaalka gudniinka fircooniga ah, waxaana hadda Wasaaraddu ay bilawday habkii loo cidhib tiri  lahaa gudniinkaas fircooniga ah oo xad gudub ku ah xuquuqda insaanka islamkaasna dhaawacyo halis ah oo jidh ahaan iyo maskax ahaanba soo gaadhsiiya haweenka. Waxaanan ka codsanayaa in bulshada reer Somaliland ay joojiyaan ku dhaqanka gudniinka fircooniga ah oo dhibaato  badan oo caafimaad gaadhsiiya dumarka.
Iyadoo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu ka duulaysa arrimahaas aan kor kusoo sheegnay, waxay qaban qaabisay shirar kala duwan oo loogu diyaar garoobayo qaban qaabada 16ka cisho ee olalaha  xuquuqal insaanka waxaana aan ku faraxsanahay in lasameeyey guddi qaran oo ka kooban 13 xubnood oo isugu jira hay’adaha dawliga ah, kuwa jimciyada quruumaha ka dhaxaysa, ururada bulsho ee Somaliland iyo kuwa caalamiga ah ee ka hawl gala Somaliland.  Olalahan 16 cisho oo ay hormuud u noqon doonto Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu waxay ka codsanayaa inay sida ugu dhakhsaha badan u hawl galaan guddidaas qaran ee inoo suurtagelin doonta qaban qaabada olalahan.
Olalahan oo lagu qaban doono dhammaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland waxaan ka codsanayaa dhammaan hay’adaha qaranka ee ay khusayso, saxaafadda madaxa bannaan, ururada bulshada iyo dhammaan shacabka Somalilandba inay gacan ka gaystaan olahahaas lagu xoojinaayo xuquuqul insaanka sidoo kalena lagu dhiirigelinayo in la joojiyo tacadiyada ka dhanka ah  haweenkeena oo ah hooyooyinkeena aan jecelnahay.
Waxaanan soo dhawaynayaa taladii la soo jeediyey ee la xidhiidhay in la fududeeyo guurka si loo dhiirigeliyo in dhalinyaradu is guursato oo loo abuuro qoysas cusub, taasoo lasoo jeediyey in la dhimo qiimaha meherka iyo yaradkaba, waxaan kale oo codsanaynaa in iyana talada lagu daro in raggu uu kasoo baxo masuuliyadda fuusha markuu yeesho xaas iyo carruur oo raggu ay dammaanad qaadaan daryeelka iyo masruufka dumarka iyo carruurta oo ah masuuliyad markastaba si gaar ah u saaran ragga. Tan oo  aan u arko arrin habboon in la dhiirigliyo markasta oo laga hadlaayo mawduucan.
Waxaan ogsoonahay in horumarka bulsho ee Somaliland  ay caqabad ku tahay Somaliland oo aan haysan aqoonsi caalami ah, taasoo wiiqday awoodii dhaqaale ee xukuumadda dhexe ee Somaliland. Waxaanan ogsoonahay in dadka ugu badan ee arrintani ku keentay saamaynta ba’an ay yihiin dumarka, carruurta, dadka laxaadla la’, kuwa dada ah iyo qaybaha kale ee bulshada ee nugul. Waxaanan ugu baaqayaa bulshada caalamka inay dib u eegan siyaasadda ku aadan Somaliland oo ay siiyaan aqoonsi buuxa si ay xukuumaddu u hesho awood ay ku daryeesho qaybaha bulsho ee nugul ee u baahan in lasiiyo fiiro gaar ah.
Waxaanan eebbe ka baryayaa inuu inoo hawlyareeyo olalahaas balaadhan ee lagu xoojinaayo xuquuqul insaanka. Waxaanan ugu danbayn idiin rajaynaa guul,  horumar, bash bash iyo barwaaqo.” sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ay Wasiirku ka soo saartay magaaladda Ceerigaabo oo ay hawlo shaqo u joogtay todobaadyadii u danbeeyay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *