Hargeysa(ANN)Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ajandaha kalfadhigooda 44-aad oo ka kooban 9 Qodob, kaas oo golaha horyaalay, isla markaana ay ku jireen qodobo xaasaasi ah oo golaha ka abuuray guux iyo khilaaf hoose. Kadib markii xoghayaha

golaha iyo gudoomiye xigeenka labaad isku maan dhaafeen soo jeedinta gudida joogtada ah oo la xidhiidhay ajandaha oo uu ku jiro xeerka Isgaadhsiinta oo ay hore golaha wakiiladu ugu kala qaybsameen. Kadib markii dhaqaalle baddan u adeegsadeen shirkado ku hirdamayay xeerkaa. 
Fadhigii maanta ee golaha Guurtida oo uu Guddoominayay Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ee Golaha Guurtida Md. Siciid Jaamac Cali (Siciid Timaweyne), waxa ka soo xaadiray Golaha 77 Mudane, waxa cod aqblabiyad ah ku meel mariyay Ajandaha  in sidiisa loo ansixyo 66 Xildhibaan cid diiday iyo cid ka aamustay toona ma jirin, marka laga reebo gudoomiyaha oo aan codayn.
Ajandahan waxa ku jira xeerka isgaadhsiinta ee golaha wakiiladu hore u soo ansixiyeen, isla markaana si weyn ugu kala qaybsameen ansixintiisa, iyadoo  shirkada Telesom ku tilmaantay mid ay ku jiraan qodobo ka hor imanaya dastuurka dalka.
Ajandaha kal-Fadhiga 44aad ee Golaha Guurtida ayaa u qornaa sidan:-
1-Warbixinta Shir-Gudoonka.
2-Warbixinta Guddida Joogtada ah.
3-Xaaladda Siyaasaddeed ee Dalka:-
I. Gudaha.
II. Dibadda
4-Xeerarka ka soo Gudbay Golaha Wakiilada.
I. Xeerka Isgaadhsiinta.
5-Arrimaha Nabadgelyada:-
II. Doorka Golaha kaga Aadan Sugida Amniga & Horumarineed ee Gobolada Sool,Sanaa-Bari &Buuhoodle.
7-Arrimaha Bulshada:-
I. Caddaalada & Garsoorka.
8-La kulanka Masuuliyiinta Qaranka:-
Wasiirka Arrimaha Dibadda.
Wasiirka Ganacsiga.
Wasiirka Waxbarashada
9-Wax-yaabo kale (Any other Business).”
Xeerka oo hada ku jira ajandaha golaha guurtida ayaa ah mid xaasaasi ah oo shirkado dhaqaalo baddan u adeegsanayaa doonayaan in sidaa lagu ansixiyo, balse waxa jira kuwo iyaguna doonaya in aanu xeerkaasi dhaafin golaha guurtida ka hor inta aan wax ka bedel lagu samayn, iyagoo ku doodaya inay ku jiraan qodobo si gaara cid ugu kootaynaya isgaadhsiinta iyo ganacsigeeda. Laakiin waxa la saadaalinayaa inay shirkadihii marka horeba soo dhaafiyay golaha wakiiladu doonayaan in sidaa lagu ansixyo, iyagoo dhaqaalle baddan ku bixiyana, taas oo keentay inay in ka baddan todobaatan mudane kasoo xaadireen kalfadhiga, kuwaas oo qaarkood ku doodayaan in xeerkaa isgaadhsiinta laga saaro ajandaha, isla markaana waxa maantaba ka muuqday barxada golaha dhaqdhaqaaqa mudanayaasha guurtida oo koox koox u wada taagan iyo shaqsiyaad ka socda dhinacyada shirkadaha iskaga soo horjeeda xeerka isgaadhsiinta ee lagu daray ajandaha oo ay maalmaha fooda inagu soo haya doodiisu ka bilaabmay golaha guurtida.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *